Khubarro Japan U Dhalatay Oo Soo Saartay Sharabaado Ka Hortegaya Inay Uraan Marka La Xidho

0
275

Khubaro u dhalatay wadanka Japan ayaa soo saaray sharabaado cusub oo ka hor tegaaya inay ur sameeyaan marka qofku xidho, kuwaas oo ka kooban waxyaalo cusub oo laga sameeyey.
Khubaradan ayaa sheegay in sharabaadadan ay ku sameeyeen waxyaalo Anti Bacteria ah iyo sidoo kale waxyaalo dawooyin ay ku jiraan oo ka hortegaaya ur ay sameeyaan sharabaadadaasi,kuwaas oo meesha ka saaraya urtii dadku karahsanayeen ee cagaha ka imanaysay marka la xidho siday khubaradani sheegeen.
Qoraal dheer oo lagu qoray wargeyska Dail Mail ayaa lagu sheegay in sharabaadadani noqonayaan kuwii ugu horeeyey ee la sameeyo ,kuwaas oo la marin doono tijaabooyinkii kowaad ee lagu eegayo sharabaadadan iyo xidhashadooda.
Sharabaadadan ayaa qaabkooda laga soo qaatay sharabaadadii ay hore u isticmaali jireen dadka reer Japan oo ahaa kuwo qadiimi ahaa,waxaana lagu daray waxyaalo ilaalinaaya lugta ,sidoo kalena ka ilaalinaaya bacteria-da keenta urta ee sharabaadada iyo lugaha gasha.
Sharabadadan ayaa ah kuwo laga heli karo dhowaan suuqyada dalkaasi,kuwaas oo markay dalkaasi ka haqab beelaana la gaadhsiin doono caalamka,waxaanay midab ahaan noqon doonaan madow iyo dameeri dameeri,kuwaas oo qiime ahaan noqon doona ilaa $24 dollar.
 

Leave a Reply