Kanada: Lamaane Lacagtii Arooskooda Ku Caawiyay Qoys Qaxooti Ah

0
288

Wargeyska Al-Qudus ee ka soo baxay London ayaa daabacay maalinkii Sabtida in qoys u dhashay dalka Kanada oo doonayay  inay aroos galaan ay joojiyeen arooskoodii  iyagoo lacagtii ay ku aqal geli lahaayeen ku caawiyay qoys Suuriyaan ah oo soo qaxay. Lamaanahan oo lagu magacaabo Farzin iyo Samantha Jackson ayaa arooskooda dib u dhigay tan iyo bisha soo socota ee March si ay u shaqaystaan lacago kale oo ay ku bixiyaan arooskooda. Lamaanahan ayaa siiyay qoyska lacag dhan 17 kun oo doller, iyadoo weliba la sheegay in qoyska ay haysay baahi aad u weyn. Qoyskan ayaa degan magaalada Toronto ee dalka Kanada.
 

Leave a Reply