Obama oo taageeray tallaabada Turkiga

0
288

Madaxweyne Obama ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa uu taageersan yahay xaqa uu Turkiga u leeyahay inuu dhulkiisa difaacdo, kaddib markii ay ciidammada dalkaasi diyaarad dagaal oo uu Ruushka leeyahay kusoo rideen soohdinta Suuriya.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Obama iyo dhigiisa Recep Tayyip Erdogan oo telefoonka ku wadahadlay ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in xiisadda taagan la qaboojiyo.
Qaramada Midoobay iyo gaashaanbuurta NATO ayaa sidoo kale ku baaqay in Ruushka iyo Turkiga ay xaaladda dejiyaan.
Weriyaha BBC uga sooo warrama Istanbul ayaa sheegaya in ay jiri doonaan cadaadis dhanka diblomaasiyadda ah oo labada dhinac soo wajihi doona, gaar ahaan dagaalkooda ka dhanka ah ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.

Leave a Reply