Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Bilowday Olole Wacyigelin ka Dhan ah Tacadiyada Haweenka loo Gaysto

0
450

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Md Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle), ayaa si rasmi ah u daah-furay olole soconaya 16 maalmood oo lagu samaynayo olole ka dhan tacadiyada loo gaysto dadka nugul, gaar ahaan haweenka.
Xaflad loo sameeyey shaacinta bilowga ololahan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada shalay, kana qaybgaleen masuuliyiinta wasaaradda, wakiillo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalami ah iyo ururro waddani ah ee wadashaqyntu ka dhaxayso, qaar ka mid ah ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Hargeysa iyo marti sharaf kale, ayaa si weyn loogaga hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee loo gaysto dadka jilicsan iyo muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii loo joojin lahaa, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah dumarka oo wacyigelintan gaar loogu asteeyey.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Faarax Xirsi, ayaa sheegay in ololahan wacyigelinta oo soconaya 25-ka bishan November ilaa 10-ka December 2015 la doonayo in bulshada lagu gaadhsiiyo joojinta tacadiyada loo gaysto haweenka iyo dadka kale ee nugul oo muddooyinkan dambe sii badanaya.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cali Maxamuud Axmed oo halkaasi si rasmi ah ugaga dhawaaqay bilowga ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka haweenku la kulmaan, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan ka go’an tahay inay dagaal adag la galaan tacadiyada lagula kaco qaybaha bulshada ee jilicsan, gaar ahaan dumarka, isagoo tilmaamay in la saaray sharci gebi ahaanba mamnuucaya in xal-dhaqan lagu furdaamiyo falalka kufsiga ah.
“Dhammaanba Shacabka waxan ugu baaqayaa inay ka wada qaybqaataan dagaalka tacaddiga ka dhanka ah, gaar ahaan midka haweenka lagu hayo. Wasaarad ahaan anagoo kaashanayna Hay’adaha sharciga ee Waddanka, kuwa Caalamiga ah iyo kuwa Waddaniga ahba waxa naga go’an ciqaabidda cid kasta oo kufsiga haweenka ku lug yeelata, ogolaanmayno in gabadh la kufsaday reero dambe isku soo hordhadhiistaan oo ka wadahadlaan, arrintaasna sharci adag baanu ka soo saari doonaa,” ayuu yidhi Wasiir Cali Sandulle.
Waxa kaloo uu soo jeediyey in la dhiirrigeliyo aqoonta iyo waxbarashada gabdhaha oo muhiimad wayn u leh horumarka shacabka, waxaannu yidhi, “Gabdhaha waxaan u soo jeedinayaa inay waxbarashadooda ku dedaalaan si ay horumar u gaadhaan, raggana ula tartamaan, waa inay qabtaan waxkasta oo diinteenu u bannaysay, waayo diinteenu may dullaynin dumarka ee sharaftooda ayey meelsare gaadhsiisay.”
Waxa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay Cabdisabuur oo ka socday hay’adda UNWOMEN iyo Maxamed Cabdi Jaamac oo matalayey hay’adda UNFPA, kuwaas oo ku baaqay in loo midoobo joojinta tacaddiyadda dumarka loo gaysto iyo dadka kale ee jilicsan, “Farriinta aan dirayo bulshadu waa in tacadiga lagu hayo haweenku keeni karo ama horseedi karo in khayraadka dalka la kala badsado, isla markaana uu lumo mustaqbalka haweenku, waana in inagoo isku duuban aynu u midawno dabar-goynta tacadiyadaas aynu ka hadlayno.” Sidaa waxa yidhi Cabdisabuur.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply