Wasiir Cukuse Oo Naqdiyay Warbixin Ay Soo Saareen Guddi Hoosaad Ka Tirsan Aqalka Wakiiladda

0
285

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa naqdiyay  warbixin ay soo saareen guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha Wakiillada, isaga oo guddidaasina ku tilmaamay kuwo aan xaq u lahayn in ay qiimeeyaan wasaaraddiisa.
Wasiir Cukuse  waxa uu sidaasi ku sheegay jawaab uu ka bixiyay warbiixintii ay soo saareen Guddida ilaalinta hantidda qaranka ee wakiiladda oo wasaaradda ku dhaliilay inay kharashaadka miisaaniyadda u dhaadhicin gobollada dalka.
“Inkasta oo Golaha WakiilaDdu xilka noocan oo kale ah ay leeyihiin, waxa imika ka muuqata in guddidani ilaalinta hantida qaranka ay dhamMaantood ka mid yihiin xisbiga WADDANI. Xisbigani  ma qiimayn karo xukuumadda, waayo waa xisbi mucaarid ah, markaa mar ayaan  isku dayi doonaa in xisbiga Kulmiye qiimayn sameeyo,”Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
 
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Sideedaba  wasaarada warfaafintu waxa ay ku tiirsan tahay oo ay la shaqaysaa qaranka Somaliland, markaa  had iyo jeer mucaaridku ma jecla, waayo waxa ay ka jawaabtaa wax kasta oo ay mucaaridku dhibsan karaan.”
 
Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse waa uu sheegay in wasaaradda warfaafintu ay tahay mid u siman mucaarid iyo muxaafid labadaba waxaanu yidhi “Mucaarad iyo muxaafidba waa meel ay wada leeyihiin wasaaradda warfaafintu, ku tiiq tiiqsiga ayaanu diidaynaa, Xildhibaanada Kumiye ee marka danbe qiimaynta samayn doonana waanu eegaynaa.”
Wasiirku waxa uu ku dooday  in qaab dhismeedka wasaarada warfaafintu ka duwan yahay wasaaradaha kale ee dalka, waxaanu yidhi  “Sida wasaaradaha kale wasaaradda warfaafintu xarumo iyo isu duweyaal ma ku leedahay gobollada dalka. Jawaabtu waxa weeye qaab dhismeedka wasaarada warfaafintu wuu ka duwan yahay qaab dhismeedka wasaaradaha maaliyada, caafimaadka, waxbarashada iyo beeraha, annagu waxa aanu yeelanaa wakiil ee isu duwe ma yeelano.”
“Weriyeyaal ayaa jooga gobollada, weriyeyaashaa ayaa yeesha nin madax u ah, sidaas ayaan u shaqaynaa markaa hadduu leeyahay maanu soo arag xarumo ay wasaarada  warfaafintu leedahay waa runtiisa,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse. waxaanu intaa ku daray “Wasaaradda warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka xarunteedu waa Hargeysa. Qofka doonaya inuu qiimeeyaana waa inuu marka hore akhriyaa waajibaadka iyo xilka wasaaradda warfaafinta oo gartaa. Wasaaradda warfaafinta waxa xilkeeda ugu muhiimsani yahay (Idaacadda, Tv-ga, Wargeyska iyo Websites-ka) inay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah warka ku gaadhsiin karto maqal iyo muuqaal iyo akhris. Maaha annaga arrintayadu gobol ma aha degmo ee muwaadinka gurigiisa iyo halka uu fadhiyo waa inaanu ku gaadhsiinno hadduu gudaha jooga iyo hadduu dibadda joogaba, markaa annaga nalaguma qiimeeyo gobol iyo Degmo,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
 
“Wasaaradda warfaafintu waxa ay joogtaa guri walba oo ka mida gobollada dalka, degmooyinkana in ka badan dhawr iyo soddon degmo ayay weriyayaal joogaan, qoraalkan Guddida-na waxaan ku arkayaa mar uu noo cabanayaa oo uu leeyahay miisaaniyada dhinaca gobollada wasaaradda warfaafinta in gacan laga siiyo ayay u baahan tahay, waxa imika ka samaynay magaalada Boorama xarun aanu ugu tallo-galnay  galbeedka, waanay shaqaysaa mid kale oo Burco ahna waanu samaynay oo dhinaca barriga ah.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply