Wasiirka Cusub Ee Khaarajiga Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tagay Jabuuti

0
335

Jabuuti (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo uu socdaal shaqo ku tagay.
Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa shalay kulan qado sharaf ah iyo is barasho ah ku qaabilay wasiirro tiro badan oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana ku wehelinayay kulankan Wasiirka Cadaaladda Mudane Cali Faarax Casoowe, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta, Mudane Aaden Xasan Aaden, Wasiirka Kharashka, Mudane Boodeh Maxamed Rooble iyo sidoo kale, Danjiraha Jabuuti u qaabilsan Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Jabuuti  Maxamed Warsame Cali.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa uga mahadceliyay dawladda iyo golaha wasiirrada ee dalka Jabuuti soo dhawaynta diirran iyo hab maamuuska ay ku qaabileen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa uu dhigiisa dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf kala hadlay sii xoojitna cilaaqaadka dalalka Jabuuti iyo Somaliland, iyo sidii ay labada dal isaga garabsan laheeyeen arrimaha horumarka iyo amaanka mandaqada.
Wasiirka arrimaha dibadda & iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo kulankaas kadib warbaahinta ugu waramay xarunta Safaaradda Somaliland ee Jabuuti ayaa sheegay in ujeedada kulankani daaranayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada nabadgelyada iyo iskaashiga guud.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa oo uu sheegay in safarkiisan dalak Jabuuti uu qayb ka ahaa dardargelinta hawlaha labada safaaradood oo dib u habayn iyo is bedel weyn lagu sameey.
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Mudane Maxamed Warsame Cali ayaa isaguna uga mahadceliyay dawladda Jabuuti soo dhawaynta wasiirka iyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dal. Waxa kale oo uu Danjiruhu ka hadlay in mudadii uu xilka hayay ay safaaraddu is bedel weyn samaysay oo sida uu Wasiirku xadhiga ka jaray ay haatan si rasmi ah oo dhamaystiran hawshooda u bilaabeen.
Xogyahaya koowaad ee Safaaradda Somaliland ee dalka Jabuuti Mudane Axmed Aaden Suge oo  isagu warbaahinta u faahfaahiyay waxqabadka safaaradda iyo sida dib u habaynta loogu sameeyay ayaa sheegay in safaaraddu hore ugu shaqayn jirtay hal xafiis oo kaliya balse ay haatan leeyihiin 8 xafiis oo si dhamaystiran u qalabaysan, 3 gaadiid ah oo laba cusub yihiin iyo guriga martida loo sameeyay oo isaguna si heer sare ah u goglan.
Xoghuhu wuxuu tilmaamay Danjiraha Safaaradda Mudane Maxamed Cali Warsame in uu dardar dheeraad ah iyo firfircooni shaqo uu la yimi, waxqabad weynna uu muujiyay mudadii uu xilka hayay iyadoo la kaashanayo dawladda Jabuuti, jaalliyadda Somaliland ee Jabuuti iyo Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply