Asad oo qaadacay wadahadallada Riyaad

0
525

Madaxweynaha dalka Suuriya, Bashar al-Assad waxa uu meesha ka saaray inuu la hadlayo mucaaradka oo isbuucan ku kulmay dalka Sucuudiga si ay isula meel dhigaan sidii wadahadal rasmi ah loo furi lahaa.

Mr Asad waxa uu kooxaha kulmay ku tilmaamay argagixiso daba dhilif u ah dowladaha reer galbeedka.
Xilli sii horeysay, natiijada shirka Riyad waxaa soo dhaweysay xukuumadda Washington oo ku tilmaamay tallaabadii ugu horeysay ee muhiim ah ee loo qaaday dhanka nabadda.
Mucaaradka Suuriya waxa ay doonayaan in madaxweyne Bishaar Al-Asad uu is casilo maamul ku meelgaar ahna la dhiso.
Dhanka kale, Mareykanka waxa uu sheegayaa inaysan cadeyn in sheegashada madaxweynaha Ruushkla ee ah inay caawiyaan ciidamada mucaaradka Suuriya inay Run tahay.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kirby ayaa ku adkeystay inaysan xaqiijin karin hadalka Mr Putin.
Xilli sii horeysay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin waxa uu sheegay inay taageero hub ay siiyaan mucaaradka ugu weyn Suuriya ee lagu magacaabo Ciidamada Xorta ah.
Waa markii ugu horeysay ee xukuumadda Moscow ay sheegtay inay taageerto mucaaradka Suuriya ee dagaalka kula jira maamulka Bishaar Al-Asad.
Laakiin afhayeen mardambe u hadlay aqalka Kremlin ka waxa uu tilmaamay in hubka Ruushka la gaarsiiyo waxa uu ugu yeeray maamulka saxda ah ee Suuriya, taas oo micneheedu yahay dowladda dhankeeda.

Leave a Reply