Burundi: Todoba Qof Oo Ku Dhintay Iska Hor Imaadyo Ka Socda Caasimada Bujumbura

0
473

Ugu yaraan Toddoba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerar lagu qaaday saldhgiyo millateri oo ku yaalla duleedka magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi. Saaka xili arooryadii hore ee shalay ayaa waxa is-rasaasayn culusi laga maqlay bannaanka Bujumbura, kaddib markii kooxo hubaysan ay weerareen laba saldhig oo ciidamada millateriga dalkaas ay leeyihiin. Willy Nyamitwe oo ah la-taliyaha dhinaca warbaahinta ee madaxweynaha Burundi ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay shalay in kooxda weerarka soo qaaday ay isku dayayeen inay maxaabiis kala baxaan saldhigyadaas, af hayeenku muu bixin wax faahfaahin ah oo intaas ka badan. Mid ka mid ah saldhigyadan shalay la weeraray ayaa la sheegay inuu ku yaallo waqooyiga Ngagara oo ah xaafad ku taala magaalada Bujumbura, ilaa hadda ma cada sida ay xaafadaas wax uga dheceen. Sidoo kale, wakaaladda wararka Mareykanka ee loo yaqaan AP ayaa baahisay in gaadiid gaashaaman oo ay leeyihiin booliiska iyo milatariga dalkaasi ay ilaalo xooggan ka hayaan waddooyinka ku yaalla magaalada xarunta ah dalkaas ee Bujumbura, iyadoo la dhigay jidgooyooyin lagu xanibaayo dadka iyo gaadiidka. Dalka Burundi ayaa waxa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan 2015-ka, waxaa ka dhacayay rabshado ka dhashay markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunzia uu ku dhawaaqay inuu markii saddexaad u tartami doono hoggaanka waddankiisa. Kooxo kasoo horjeeda Nkurunziza ayaa ku eedeeyay inuu dastuurka dalkaas u yaalla ku xad-gudbay, iyagoo sheegay in laba jeer uu dastuurku u ogol yahay inuu madaxweynuhu xilka isku soo taago, laakiinse go’aankan dambe uu yahay mid carqalad ku ah dastuurka Burundi. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in rabshadihii Burundi ka dhacayay tan bishii Abriil ee sannadkan lagu jiro lagu dilay 240-qof, ayna 200,000 oo reer Burundi ah ay ka barakaceen dalkooda.

Leave a Reply