Golaha Guurtidda Oo Dood Ku Lafo-guray Siyaasadda Arrimaha Gudaha Ee Somaliland

0
282

Hargeysa (Dawan): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa shalay soo af-jaray doodii ajandaha kal-fadhiga 58aad qodobkiisa siyaasadda. Fadhigaasi oo uu shirgudoominaayay gudoomiyahaas Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.
Qaar ka mid ahaa  xildhibaanadii  gabagabadda fadhigaasi hadaladda ka jeediyay   waxay si weyn u amaaneen   siyaasadda arrimaha gudaha gaar ahaana  nabadgelyada  xukumadda uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Xildhibaan Maxamed Wali Warsame  ayaa  amaanay mashruucii dhawaan wasiirka arrimaha guduhu ugu deeqay dawlada hoose ee Hargeysa, kaas oo kor laagu qaadayo iftiinka caasimadda.
Waxaanu xildhibaanku  sheegay  in arrintaasi ahayd talaabo xagga horumarka loo qaaday, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaan bogaadinayaa masuuliyiinta qaranka ee wadooyin badan oo caasimada ah ka wad, sidii loogu xidhi lahaa laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda, laydhkaasi waxa uu si weyn uga qayb qaadanayaa nabadgalyada guud ee caasimada. Sidoo kale arrintaasina waxay cadayn u tahay  sida looga shaqaynayo horumarinta nabadgelyada dalkeena.”
Xildhibaan Maxamed Wali waxa kale oo uu ku dooday in dalkeenu ka mid yahay, wadamada ugu fiican xagga amaan, waxaanu yidhi “Marka la eego wadama ku yaal qaarada Afrika, waxa ka socda xaalado amaan daro oo aad u badan, balse inaga Ilaahay mahadii waxaynu ku naaloonaynaa amaan iyo xasilooni, arrintaa sina waxay u baahan tahay in la ilaashado oo habeen iyo maalinba loo soo jeedo.
Nabadgelyada dalkeenu maanta aad bay u fiican tahay, waana waxa caalamku inagu majeerto. Nabadaas hadii dhaawac loo gaysto waa dhibaato aad u wayn, oo dalkeena wax yeelo ku ah. Waxaan soo jeedi nayaa cid kastaaba in ay halkeeda uga foojig naato oo ka adkayso ammaanka dalkeena.”
Qoddobkan  siyaasadda arrimaha gudaha ayaa  u dambeeyay doodda ajandahooda kal-fadhiga 58aad ee golahaas oo dhawaan u furmay.  Golahaas ayaa waxa ajandahooda ugu jirtay  inay u yeedhaan masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha  ciidamada booliska  si ay uga xog waraystaan arrimaha ay qaranka uga masuulka yihiin.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply