Ra'iisul Wasaaraha Canada Oo Dalkiisa Kusoo Dhaweeyay Qoxootigii Ugu Horreeyay Ee Suuriyaan Ah

0
285

Ra’isul Wasaaraha dalka oo lagu magacaabo Canada Justin Trudeau, ayaa dalkiisa ku soo dhaweeyay diyaaradii ugu horaysay oo siday  qaxooti u dhashay waddanka ay colaaduhu halakeeyeen ee  Suuriya. Raysal wasaaraha ayaa waxa la sheegay inuu garoonka diyaaraha ee Pearson International oo magaaladda Toronto ku salaamay 163-qofood oo laga soo qaaday xeryaha qaxootiga ee dalka Lebanon.
 
“Waxay kasoo degeen diyaaradda; iyagoo qaxooti ah, laakiinse waxay garoonka ka baxeen iyagoo Canada ka heysta deggenaasho buuxda, kaarar caafimaad iyo fursad ay ku qaadan karaan dhalashada dalkeena,” ayuu yidhi raysal wasaaraha dalkaa Cnada. Sidoo kale, Raysal  wasaaraha Canada ayaa qoysaskii soo ka so gaadhay dalkiisa gacantiisa ugu qaybiyay dharka dhaxanta, maadama lagu jiro xilligii qaboobaha, raysal wasaaraha waxa wehelinaayay qaar ka mida wasiirasada xukumadiisa iyo maayarka magaalada Toronto, oo lagu magacaabo John.
Dawladda uu Hoggaamiyo raysal Wasaare Trudeau ee Xisbiga Liberal Party ayaa ballan-qaaday inay keeni doonto ugu yaraa 25,000 oo qaxooti u dhashay dalka uuriya ka hor bisha Feberaayo ee sannadka soo socda, waxaana dadkan intooda badan laga soo qaadi doonaa dalalka Turkey, Jordan iyo Lebanon. Garoomada diyaaraha ee magaalooyinka Montreal iyo Toronyo ayaa diyaarayay albaabo gaar u ah oo ay qaxoontiyadani kaligood kasoo dagaan diyaaradaha ay la socdaan qaxootiga iyo xarumo u gooni ah soo dhawaynta iyo maaweelada carruurta, qaybta nasashada, dharka, cunnooyinka iyo hadiyadaha kale ee ka imaanaya dadwaynaha reer Canada.

Leave a Reply