Wasiirka Shaqadda Oo Soo Gabagabeeyay Ololihii Dabar-goynta Tacadiyadda Ka Dhanka AH Haweenka

0
262

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (cali-sandule), ayaa ka qayb galay gunaanadka  munaasibad  lagu soo gebagabaynayay olole  la xidhiidha sidii dabar-goyn  lahaa tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka, kaasi  oo muddo  laba todobaad ah ka socday   goboladda dalka.
 
 
Ololahaasi oo socday muddo laba todobaad ah, isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda ayaa waxaa gebagebadiisa ka soo qayb galay  wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (cali-sandule), wasiiru-dawlaha wasaaradaasi, wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo masuuliyiin kale.
 
Munaasibadani  lagu soo gebagabaynayay olole  la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa, sidoo kale    waxaa ka soo qayb galay  saraakiil iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha qaramadda midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha haweenka.
 
 
Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Cali Maxamuud Axmed (cali-sandule), oo hadal ka jeediyay xidhitaanka munaasibadaasi ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay siyaasadda wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda ee la xidhiidha wax ka qabashadda tacadiaydda lagula kaco dumarka, isagoo xusay in ay salka ku hayso dabar-goynta dhibaatooyinka ka dhanka ah haweenka.
 
Cali Sandule, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Lix iyo toban  maalmood ayaynu ka joognaa (shalay)  furitaanka xafladii tacadiyadda haweenka, ama dadka nugul.  Dhamaanba  dadka ku kala nool goboladda  Somaliland  hore yaynu ugu furnay, caawana (xalay), waynu u xidhnaynaa,  hawshii la soo gutay ee shaqaalaha wasaaradda iyo hay’adaha UN-ka, kuwa caalamiga ah iyo kuwa NGO-da ahba, hashii aynu haynay oo ahayd ololihii wacyigelintii  rasmiga ahayd ee  ay inoo soo jeediyeen.  Lix iyo tabanka maalmood ee aynu ku jirnay ololaha wacyigelinta tacadiyadda haweenka, waxaan rejaynayaa in ay noqdaan kuwo guulaysta oo inaga dabar-gooya  dhibaatooyinka lagula kaco haweenka”.
 
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in  uu ku dedaali doon, isla markaana daba-gal ku samayn doono arrimaha haweenka, sida dhinacyadda waxbarashadda, shaqadda iyo waxyaabo kaleba. “Waxaan u sheegayaa haweenka in aan u guntanayo aniga iyo madaxda kale  iyo shaqaalaha wasaaraduba in aanu daba-gal ku samayno arrimaha lagula kaco haweenka, in aanu ka shaqayno horumarinta waxbarashadoodda, oo aan ogaano heerka tayadda hablaha jaamacadaha ku jirra, sababaha ay ay geli waayeen, waxa aanu la qaban karno. Waxa kale oo aan ku dedaali doonaa in aan daba-galo wasaaradaha dawladda iyo hay’adaha madaxa-banaanba in ay haween ka shaqeeyaan” ayuu yidhi Cali-sandule.
 
Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, oo isna gebagebadda munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay sida ay ka wasaarad ahaan uga go’an tahay in shuruuc adag laga soo saaro  dhibaatooyinka iyo gefafka lagula kaco haweenka.
Waxaanu sheegay in ay hadda meesha ka baxeen xal-dhaqameedyadii hore ee  fal-danbeiyeedyadda noocaasi ah  lagu xalin jiray, isla markaana qofka danbiilaha ah si toos ah sharciga loola tiigsan doono. Waxaanu yidhi “Lix iyo toban maalmood oo is-daba jog ah ayaad arrintani ku jirteen, waxaan filayaa in fariintaasi ay gaadhay in badan oo bulshadeena ka mid ah, waxaanan leeyahay wax  ha ku qaataan. Inaga waxaa  la inooga baahan yahay waxa weeyi in aynu ku wacyigelino  dadkeenna ayay-naan gaadhsiin fariimaha, dadkana haddii aan wax loo sheegina  way  soof-daran habaabaan, in waxa ay ku kacayaan ee ay walaashood iyo mid la id ah kula kacayaan, hooyooyinkood mid la mid ah kula kacayaan, ilmo yar oo abaydin ah, oo iskuul tegaya  oo isaga ka tag-daran  kula kacayaan, in ay tahay wax xun in loo sheegaa, waa waajib ina saran”.
 
Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Maxamed Faarax Xirsi, oo isna hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa ka waramay  mudadii  uu dalka ka socday  ololahani iyo ujeedadii laga lahaa. Waxaanu sheegay in muddo ka badan laba todobaad uu ololahani dalka oo dhan ka socday, isla markaana qaybaha kala duwan ee bulshadda lagu wacyigelinayay sidii wax looga qaban lahaa tacadiyadda ka dhan ah dumarka.
 
 
Waxa  kale oo  iyadna  munaasibadaasi ka hadashay Luul Aadan Geedi, agaasimaha waaxda  arrimaha bulshadda ee wasaaradda shaqadda waxaanay faahfaahin ka bixisay  mudadii uu socday ololahani iyo saamaynta uu bulshadda ku yeeshay iyo sida uu wax tar u noqonayso  natiijadda ka soo baxday so oaf-jaridda tacadiaydda ka dhanka ah dumarka.
 
Sidoo kale waxaa xafladaasi hadallo ka jeediyay wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda kala shaqeeya arrimaha tacadiyadda loo geysto haweenka, waxaanay ka warameen ahmiyadii ololahaasi  oo muddo laba todobaad ah ka socday goboladda dalka  iyo faa’iidadda uu bulshadda u keenay ee ah sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka ka dhanka ah haweenka.
 
 
Dhinaca  kale waxaa munaasibadaasi intii ay socotay lagu soo bandhigay  riwaayad ka turjumaysay  dhibaatooyinka lagula kaco haweenka iyo  kaalinta ay haweenku kaga jiraan jiritaanka iyo nolosha bulshadda marka la eego  doorka ay ka qaataan horumarka bulshadda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply