Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Hadlay Dib-u-dhiska Biriishka Magaaladda Burco

0
313

Burco (Dawan) Wasiirka hawlaha guud, guryaynta iyo gaadiidka Somaliland  Cali Xasan Maxamad (Cali Mareexaan) ayaa ka hadlay halka ay marayso hawsho dib u dhiska biriijka koowaad ee magaalaada Burco, oo ay waxyeelo ka soo gaadhay roobabkii ugu dambeeyay ee dalka ka da’ay.
Wasiirka oo todobaadyadii ugu dambeeyay hawlo shaqo ugu maqnaa gobollada bariga Somaliland ayaa shalay soo kormeeray hawsha dhismaha biriishka Magaaalda Burco oo uu hore u dhagax dhigay.
Wasiir Cali Mareexaan waxa uu warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta Shirkadda Hirad ee iyadu gacanta  ku haysa dayactirka iyo dhismaha biriishkaas oo ka warramay halka dhismuhu marayo.
 
Cabdiraxmaan Xasan Jaamac oo ka mida masuuliyiinta shirkada Hirad oo ka hadlayay arrintaasi waxa uu yidhi “Way dhammaatay hawshii koowaad (Sabtida) haddii Illaahay Idmo, gacanta ayaa laga qaadayaa, waanu dham,aystirnay qodaalkii iyo qalab keenistii iyo diyaarintii wixii hawsha looga baahnaa, waxaanad halkan ku aragtaan in imika Istoodhkii halkan laga bilaabay, birtii la keenay sibidhkii la keenay, dhagixii la keenay dabadeetana waxaa ku xigaa waa bilowga hawsha dhismaha biriishka, in la bilaaboo dabadeetana marka ay hawshaasi halkeedii gaadho,imika haddana wajigii labaad ayay galaysaa ee shubabka iyo buuxinta.”
Maayarku xigeenka Burco Maxamuud Xasan Jaamac (Xoday)  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda dhexe ku bogaadiyay dedaalka ay ka gashay dhismaha biriishka  Burco oo ay dumiyeen daadadkii soo rogmaday waxaanu yidhi “Waxaanu mahad balaadhan u soo jeedinaynaa oo in badan baanu sugaynay, hawshaas ka maamul dagmo ahaan Waxa  ay nagu haysay culeys aad u weyn, waxaananu mahad balaadhan u soo jeedinaynaa, Wasiirka hawlaha Guud, oo arrintaas isaga oo aan bil joogin dhab ahaantii fuliyay waxaanay noo tahay guul weyn oo qarankani gaadhay, gaar ahaan gobolka Togdheer.”
Wasiirka hawlaha guud guriyaynta  Cali  Xasan Maxamad (Cali Mareexaan) oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta shirkada gacanta ku heysa dhismaha biriishkan oo uu sheegay inay u wadaan si habsami ah.
“Shirkadda Hirad ee hawshan aanu maalinta dhaweyto dhagax dhignay bilowday, si wanaagsan ayay u wadaa waana inay  dedaalka halkaa ka sii wadaan oo dhameystirka biriishkani ka horeeyo xili roobaadka fooda innagu soo hayana waa mihiim waananu idiinka mahad-celinaynaa sida wanaagsan ee aad u wadaan dhismaha biriishkan maadaama  biriishyadu laf-dhabar u yihiin isu socodka bulsho dal iyo dadba,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply