Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda badeecadaha Somaliland Cali Maxamed Cabdulle (Cali-biikallo), ayaa ugu baaqay ganacsatadda iyo tijaarta badeecadaha kala duwan u soo waaridda dalka in ay iska ilaaliyaan tayadda badeecadaha marka ay soo iibsanayaan, isla markaana ay masuuliyadda koowaad iyaga ka saaran tahay ilaalinta caafimaadka iyo nolosha bulshadoodda maadaama oo ay iyagu gacanta ku hayaan awooda dhaqaale ee ay wax kula soo degayaan.
Waxaanu uga digay ganacsatadda iyagu caadaystay in ay soo waaridaan badeecadaha dhacay sida daawooyinka iyo noocyada kala duwan ee cuntooyinka si ay macaash badan uga helaan in dalku uu leeyahay dawlad ka qabata wax kasta oo dhibaataynaya bulshadeedda, isla markaana lagula xisaabtami doono arrintaasi.
Cali Maxamed Cabdule (Cali-biikalo), oo xafiiskiisa ugu waramayay wargeyska DAWAN, waxa kale oo uu sheegay in hay’adda dhawrista tayadu mudadda ay jirtay in ay wax ka qabatay waxyaabo badan oo halis iyo dhibaato caafimaad darro ku keeni lahaa bulshadda, mar kastana ay ku dedaalayso sidii ay wax uga qaban lahayd in aan badeecado dhacay bulshadda laga iibin.
Dhinaca kale Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayaddu waxa uu sheegay in ganacsadaha lagu qabto isagoo dalka soo gelayay waxyaabo aanay tayadoodu wanaagsanayn ama dhacay in la mar-siin doono ciqaabta uu mutaysto sida ku cad xeerka hay’adda dhawrista tayadda.
Sidoo kale waxa uu bulshadda u soo jeediyay in iyaguna dhinacooda ay ku baraarugsanaadaan iskana eegaan wax kasta oo ay iibsanayaan ama ay isticmaalayaan, in uu yahay mid taariikhdiisu ay dhacsan tahay iyo in kale.
Guddoomiye Biikalo oo ganacsatadda la hadlayayna waxa uu yidhi “Ganacsatadda iyo dadka tujaarta ah ee wax soo dejiyaa ma wada xuma, oo waxaa jira dad badan oo waxyaabo wanaagsan oo tayadiisu fiican tahay soo dejiya, oo xalaal u ganacsanaya ayaa jira, oo dadkooda iyo dalkoodaba u tudhaya. Kuwa qariban ee waxa xun mar kasta soo dejiya, oo macaash doonka uun ah, iyaga marka la baadho waa la qabtaa, waana looga digaa in aanay mar danbe waxyaabo dhacay soo dejinain.
Masuuliyadda ugu badan cidda ummadda u haysaa waa cida wax soo dejisa ee ILLAAHAY awooda dhaqaale iyo hantidaba siiyay, iyaga ayay masuuliyadda koowaad saran tahay isagaana yaqaana nooca badeecadda uu soo iibsnayo in tayadeedu fiican tahay iyo in uu xun yahay, waana in marka uu soo iibsanayo uu iska tijaabiyo in waxaasi uu yahay mid wanaagsan iyo in kale.
Ganacsatadana waxaan leenahay masuuliyad ayaa idinka saran dadkiina, intii xumaanta iyo waxyaabaha aan fiicanayn umadooda u soo waaridana waxaan leenahay ILLAAHAY ayaa idinkula xisaabtami doona, umaduna dawlad ayay leedahay ka qabata cidii waxyaabo caafimaadka bulshada waxyeelaya u soo waaridda”.
Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha waxa uu sheegay in ganacsadaha lagu qabto isagoo dalka soo gelayay waxyaabo aanay tayadoodu wanaagsanayn ama dhacay in la mar-siin doona ciqaabta uu mutaysto sida ku qeexan xeerka hay’adda dhawrista yadda. Isagoo dhinaca kalena waxa uu bulshadda u soo jeediyay in iyagna dhinacooda ay ku baraarugsanaadaan isna eegaan wax kasta oo ay iibsanayaan ama ay isticmaalayaan, in uu yahay mid taariikhdiisu ay dhacsan tahay iyo in kale. “Qofkii lagu qabto isagoo wax dhacay dalka soo geliyay oo badheedh u keenay ciqaabtii la mar-siin lahaa xeerka hay’adda ayay ku taalaa, waana lagu ciqaabi doonaa oo hay’adaha sharciga ayaa la hor-gayn doonaa, waxaanu wajihi doonaa wixii uu ku mutaysto xeerka umaddu dhigatay ee goleyaasha sharci dejintu ansixiyeen.
Bulshadda reer Somaliland iyagana waxaan ku wacyigelinayaa oo aan u sheegayaa in ay ku baraarugsanaadaan oo ay iska eegaan wax kasta oo ay iibsanayaan ama ay isticmaalayaan, in uu yahay mid taariikhdiisu ay dhacsan tahay, tayadiisa ay iska eegaan, inta aan la eeginba waxa hoose ee ku jira inta ay indhuhu qabanayaan in ay iska eegaan ayaa kula dar-daarmi lahaa”.
Mar uu ka hadlayay u jeedadda loo aasaasay hay’adda iyo waxyaabaha u hirgalay hay’adda dhawrista tayadda mudadda ay jirtay, waxa uu yidhi “Shaqadda hay’addan loo aasaasay waxay tahay in ay ilaaliso tayadda agabka dalka soo gelaya iyo ka gudaha dalka ka soo baxaya iyo wax kasta oo dalka ka dhoofayaba. Wax kasta oo ay bani’aadamku u baahan yihiinba tayadoodda in ay hay’addani ilaaliso, si aanay u dhicin in waxyeello ka timaadda waxyaabo aan wanaagsanayn oo ay ummaddu u baahan tahay oo caafimaadka waxyeelaya in ay ka hortagto ayaa loo aasaasay hay’addani.
Hay’adani mudadda ay jirtay waxyaabo badan ayaa u qabsoomay, shaqaalaheeduna way joogaan gobol kasta iyo degmo kastaba, inta badan magaalooyinka dalka iyo haddii ay tahay meelaha ay wax ka soo galaan, sida dekadaha, xuduudaha iyo kastamadaba, madaaradda iyo meel kasta oo ay dalka wax ka soo galaan hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha shaqaale ayaa u jooga, oo ilaaliya tayadda wixii dalka soo gelaya.
Waxa kale oo jira shaqaale jooga goboladda waaweyn ee dalka caasimadahooda, kuwaasi oo baadheyaal ah oo suuqqa gala, oo ilaaliya waxyaabaha suuqyada soo galay in ay jiraan kuwo wakhtigii loogu tallo-galay dhaafay oo dhacay, iyadoo haddii ay helaan alaabooyin dhacay ururiya oo soo qabta, kadibna la gubo”.
Waxaanu intaasi ku daray “Shaqadda ugu weyn ee ay imika inta badan hay’adda dhawrista tayaddu ku mashquulsan tahay waxay tahay sidii waxyaabaha dhacay ee dukaamadda iyo bakhaaradda yaalla in aan dib looga iibin dadka, iyagoo dhacay. Magaaladda Hargaysa waxaa ka hawl-gala labaatan baadhe, oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda dhawrista tayadda, kuwaasi oo marna u shaqeeya qaab olole ah, marna meelaha suuqyadda ah iyo xaafadaha caasimadda ku kala qoran, si ay ula socdaan oo ay xog uga helaan, in ay jiraan waxyaabo dhacay oo dadka laga iibinayo. Mararka qaarna qaab olole ayay u shaqeeyaan oo aan xataa anigu ka qaybgallo”ayuu yidhi Cali Biikalo.
Cali Biikalo, oo aanu waydiinay in marka ay qaadayaan ololeyaasha ay ku baadhayaan dukaamadda, bakhaaradda iyo goobaha kale ee ganacsiga, in ay wax dhibaato ah ama caqabaddo ah kala kulmaan mulkiileyaasha meelahaasi ganacsi. Waxa uu ku jawaabay “Maya, ganacsatadu inta badan way nala shaqeeyaan, kalama kulano wax dhibaato ah iyo wax is-hortaag ah. Shaqaalaha hay’adda dhawrista tayaduna waxay leeyihiin aqoonsiyo, ganacsataduna marka ay aqoonsadaan way u fududeeyaan.
Shaqaalaha hay’adda dhawrista tayadu ma aha shaqaale si qariban ula dhaqma, ama si aan sharci ahayn wax u baadha ee waa shaqaale eegaya in waxaasi uu yahay mid taariikhdiisu ay shaqay nayso oo aan dhicin, in uu yahay wax tayadiisu ay wanaagsan tahay, ganacsatadu cid kasta oo ay la kulmaan oo ay tusaan kaadhkoodda aqoonsiga, oo ay u sheegaan in ay meheradda eegayaan, wax is-hortaag ah kalama kulmaan ee way la shaqeeyaan, waanay soo dahweeyaan, wixii dhacay ee ay meesha ku arkaana si dhakhso ah ayaa looga saaraa, waana la qaadaa oo meel ayaa lagu ururiyaa, kadibna waanu qaadnaa oo waxaanu geynaa meelaha loogu tallo galay waana la gubaa. Hawshaasina waah awl marwalaba socota”.
Cali Biikalo, waxa uu sheegay in hay’adda dhawrista tayadu mudadda ay jirtay in ay wax ka qabatay waxyaabo badan oo halis iyo dhibaato caafimaad darro ku keeni lahaa bulshadda. Waxaanu fariin u diray qaybaha kala duwan ee warbaahinta oo uu ugu baaqay in ay hay’adda dhawrista tayadda kala shaqeeyaan sidii bulshadda looga wacyigelin lahaa dhibaatadda iyo halista ay ku keeni karaan waxyaabo dhacay haddii ay is-ticmaalaan.
“Hay’adu si fiican ayay u wadaa shaqadda ay qaranka uga masuulka tahay, waxyaabo badan oo nolosha bulshadda waxyeelo ku keeni lahaa oo ay qabatay, dadkana ka bad-baadisay way jiraan. Shaqadda ay hay’adani qabataana waa shaqo aad iyo aad waxtar ugu leh bulshadda ayna tahay in la fahmo, bulshaduna ay hay’adda iyo shaqaalaheedaba gacan ku siiyaan, oo cid kastaba looga baahan yahay in ku garab-gasho. Haddii ay tahay warbaahinta oo looga baahan yahay in ay wacyigelinta dhinacoodda dadka u gudbiyaan, oo ay u sheegaan waxyaabaha tayadda badeecadaha looga baahan yahay, oo ay nagala sahqeeyaan, oo ay nagala qayb qaataan, si ay nooga gudbiyaan fariimaha aanu dadka u dirayno, Haddii ay tahay xukuumadda, haddii ay tahay bulshadda, dhamaanteedba in hay’adda la is-garab taago, oo gacan laga siiyo hawlaha ay qabanayso ayaa looga baahanyahay saxaafadda qaybaheeda kala duwan. Oo aan is-odhan karro waa meelaha ugu muhiimsan, waayo haddii cuntooyinka iyo daawooyinka aad is-ticmaalayso ama cunayso aanad garanaynin dhibka ay keeni karaan waxyeelo ayay bulshadda u geysan karaan.
Meelaha ay bulshadu ka korto, ee nolosheedda iyo caafimaadkeeduba ay karoon ayay ka mid tahay in ay leedahay hay’ad tayadda badeecaha ka baadha, oo ka ilaalisa in ay dhibaato u keeni karaan waxyaabaha ay is-ticmaalayaan”ayuu yidhi Cali Biikalo.
Waxa kale oo uu guddoomiye Biikalo aanu waydiinay in uu jirro shaybaadh ay ku hubiyaan tayadda badeecadaha, gaar ahaana shiidaalka oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan. Waxaanu yidhi “Shaybaadhka lagu eego tayadda shiidaalku wuu jiraa, inkasta oo aanu ahayn mid toos u hoos yimaada ama ay maamusho hay’adda dhawrista tayadu, inkasta oo aanu doonayno hadana in aanu la socono natiijadda waxyaabaha uu soo saaro, shiidaalku waxyaabaha dalka soo gala ayuu ka mid yahay, waxaana jirtay in markii hore saambaliskiisa loo diri jiray Jabuuti. Hase yeeshee maamulka cusub ee la wareegay kaydka haamaha shiidaalka iyo shirkad ajnabi ah oo ka shaqaysa arrimaha shaybaadha, ayaa heshiis ku galay in shaybaadh shiidaalka lagu baadhi la keenno, oo Berbera laga sameeyo. Markaa imika wuu jiraa shaybaadhkaasi”.
Sidoo kale Biikalo, oo aanu waydiinay cida maamusha shaybaadhkaasi, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Shirkadii rakibtay shaybaadhka ayaa xagga aqoon ahaan baadha, laakiin maamul ahaan waxaa maamula oo ay hoos tagaan maamulka kaydka haamaha shiidaalka, anaguna waraaq ayaanu u dirnay si ay noo soo siiyaan warbixinta hadba waxa ay baadhaan, maadaama oo hay’adani ay wadanka u qaabilsan tahay baadhista tayadda badeecooyinka. Waxaananu doonaynaa intaa in ka badan in aanu u yeelano shaqadda uu qabto shaybaadhkaasi. Shaybaadhka shiidaalka ee Berbera wuu jiraa”.
Waxa kale oo uu ka waramay Mr Biikalo waxyaabaha hay’adda u qabsoomay mudadda ay jirtay, qorsheyaasheedda iyo waxyaabaha ay doonayaan in ay mustaqbalka wax ka qabtaan iyo guud ahaanba shaqadda hay’adda iyo sida ay hawlaha ay qaranka uga masuulka tahay u fuliso iyo sidoo kale tiradda shaqaalaha hay’adda.
Waxaanu sheegay in shaqaalaha hay’adda ay tiradoodu gaadhayso 70 shaqaale, kuwaasi oo dhamaantoodba ah shaqaale heerkooda wax barasho uu gaadhsiisan yahay heer jaamacadeed.
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Oo Ganacsatadda Ugu Baaqay In Aanay Soo Waaridin...