Madaxwayne Putin Oo Amray In Ciidankiisa Jooga Suuriya Difacaan Xukumada Asad

0
268

Madaxwaynaha dalka Russia Mr. Putin ayaa si adag uga hadlay dagaalka ay ciidankiisu kula jiraan xoogaga kooxda ISIS ee wadankaasi Suuriya qaybo badan oo kamid ah gacanta ku haya, Puti wuxuu sheegay in uu amar ku siiyay wasiirkiisa gaashaandhiga in cid kastoo soo weerarta diyaaradaha dagaalka ee Russia ee halkaasi ka wada duqaymaha ay si adag ugu jawaabaan isla markaana ay dhulalka ay joogaan ciidanka wadankiisa ay ka difacaan cadawga xagjirka ah. Madaxwayne Putin waxa uu intaa ku daray in ay waajib tahay in ciidanka wadankiisu ay difaacaan dawlada ay xulafada yihiin ee itaalka daran ee uu hogaamiyo madaxweyne Bashaar Al-Asad. Madaxweynaha Suuriya ayaa waxa uu dhawaan sheegay in uu taageersan tahay faro-gelinta milatari ee dalka ruushku ka wado dalkiisa Suuriya.

Leave a Reply