Mucaaradka Suuriya Oo Shuruud Ku Xidhay Wada Hadalo Ay La Galaan Xukumada Asad

0
309

Mucaaradka kasoo horjeeda xukuuumadda Suuriya ayaa shir ay ku yeesheen wadanka Sucuudiga waxay soo saareen shuruuco ay ku xidheen wada hadal ay l yeeshaa xukumada Suuriya ee uu hogaamiyo madaxweyne Bashar Al-Assad. Shuruuda Mucaaradka Ayaa  Waxay Tahay in dalkaas laga sameeyo dawlad cusub oo sal balaadhan, isla markaana dimuqraaddi ah. Waxay intaa ku dareen mucaaradku in madaxweyne Al-Assad iyo ragga ku xeeran aanay fursad uga bannaanayn maamulkaasi cusub. Sidoo kale, kala qeybsanaan kulanka ayaa ka jirtay shirka ay mucaaradka dalka Suuriya ku yeesheen Saudi Arabia, iyadoo ururka Axrar Al-Shaam oo ah kan ugu wayn mucaaradka Suuriya uu ku hanjabay inuu shirka isaga baxayo. Ururka Axrar Al-Shaam ayaa sababta uu shirka uga baxayo ku sheegay in qaar ka mid ah ragga hoggaanka u hayay shirka ay xidhiidh la leeyihiin maamulka Assad, taasoo ay sheegeen inay ahayd tallaabo xad-gudub ah.
 
Dhanka kale, Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Washington ayaa sheegay in Muwaffaq Mustafa Mohammed al-Karmoush oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Salah iyo laba sarkaal oo ka tirsan ururka isku Daacish, lagu dilay duqayn ka dhacday gudaha Suuriya Sarkaalkaas la dilay ayaa waxa la sheegay in uu Daacish u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda iyo bixinta kharashaadka dagaal-yahannada ururkaasi ku xidhan ee jooga daafaha caalamka.

Leave a Reply