Qofkii Labaad Ee Soomaali Ah Todobaad Gudihii Lagu Laayay Maraykanka

0
280

Magaalada Seattle ee gobolka Washington ee dalka Mareykanka ayaa todobaadkan siyaabo kala duwan loogu dilay laba Wiil oo Soomaali ah, iyadoo dilalkan ay cabsi ku abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas. Mid ka mid ah labada wiil ee Soomaalida ah ayaa waxa la sheegay in la odhan jiray  Xamse Xasan Warsame oo 16-jir ahaa, kaas oo habeennimadii Axadda ahayd laga soo tuuray dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaaladaas. Xamse aabihii oo warbaahinta u waramay ayaa waxa Xamza aabbihiis oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in isagoo ku maqan shaqo loosoo sheegay in wiilkiisu uu kasoo dhacay dhisme lix dabaq ah, uuna aad uga naxay warkaas.
 
“Wiilkeyga isigoo guriga jooga ayaa uga tagay, markii aan shaqada aaday ayaa la i soo wacay la iina sheegay in wiilkayga oo meyd ah uu isbitaal yaallo, uuna kasoo dhacay guri lix dabaq ka kooban, illaa hadda ma jirto cid noo sheegtay sidii ay wax u dhaceen.” Sidaa waxa yidhi wiilka la dilay aabihii oo la had laayay warbaahinta. Geesta kale, wiil kale oo Soomaaliga ah ee la dilay ayaa waxa la sheegay in ay da’adisu ahayd 19- jir. Wiilkan ayaa waxa lagu dilay habeen hore magaalada Seattle-Washington. Wiilkan ayaa waxa la sheegay in ay dhimashadiisa sababtay is rasaasayn shex maraysay kooxo budhcad ah. Mid ka mid ah madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle, Sahra Bashiir Faarax ayaa u sheegtay VOA-da in wiilkan uu ku dhintay rasaastii ay is-wey-daarsanayeen dhallinyaro dagaalamaysay, iyadoo xustay inay booliska ka sugayaan warbixin rasmi ah oo arrintan la xiriirta.
Sahra waxay intaas ku dartay in maanta oo Jimco ah a qaban doono bannaan-bax ay kasoo qeyb galayaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay booliska kaga dalbanayaan inay keenaan warbixinta dadka Soomaaliyeed ee Seattle lagu dilay.
“Arrintan aad ayay noo saameysay… waana naxdin aad u weyn oo aanan marna ka filayn magaalada Seattle, dibadbax-bax weyn ayaan sameyneynaa berri, ciidamada booliiskuna weli faahfaahin nagama siin labada dhallinyarada Soomaaliyeed ah ee todobaadkan lagu dilay magaalada Seattle,’ ayuu tiri Sahra Bashiir. Booliiska magaalada Seattle ayaa la sheegay inay wadaan baadhitaano la xidhiidha dilalkan soomaaliada loogu gaysanaayo dalka maraykanka.

Leave a Reply