Warbaahinta Somaliland Oo Cod Midaysan Kaga Digay Shirkadda TELESOM Oo La Wareegtay Shaqadoodii

0
333

Hargeysa (Dawan) Kulan ballaadhan oo ay Sabtidii  saxaafadda Somaliland ku yeelatay magaaladda Hargeysa, ayaa lagu lafo-guray dhibaatooyinka ay shirkaddaha isgadhsiintu ku hayaan saxafadda madaxa bannaan, gaar  ahaan  shirkadda Telesom oo gabi ahaanba si sharci darro ah ula   wareegtay xayaysiisyadii  warbaahintu baahin jirtay.
Kulankan oo  si qoto dheer loogu falan-qeeyay addeegyada sharcidarrada ah ee ay shirkadda TELESOM bulshada u sii dayso.Kulankan oo ay dhammaan saxaafaddu meel cad ka istaagtay, isla markaana warmurtyeed ay soo saartay uu u dhigna sidsan:
 
Madaxda hay’adaha Warbaahinta ayaa Sabtidii  kullan isugu yimid.Ujeedada kullanku waxa ay ahayd in laga tashaddo dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo Shirkadaha Isgaadhsiintu guud ahaan. gaar ahaan Shirkada TELESOM ku hayso warbaahinta.  Taasoo ah, inay la wareegtay shaqadii warbaahinta gabi ahaanba oo ay isu rogtay shirkad warbaahineed halkii ay ka ahayd shirkad Telefoon ama is gaadhsiineedba.
Iyadoo la tixraacay haddalo arrintan la xidhiidha oo hore madaxda Wasaarradda Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta uga soo baxay. Islamarkaana la tixgeliyay isku dayo hore oo la doonayay in wax lagaga qabto hawshan oo aan shaqayn, waxaa la isla qaatay.
Go’aamaddan.
1-In Warbaahintu caddayso mar labaad inay ka midaysan-tahay danteedda. Islamarkaana dib u eegis ku sameyso wadda shaqaynta ay la leedahay shirkadaha Isgaadhsiinta gaar ahaan shirkada Telesom.
2-In la caddeeyo in aan warbaahintu eegan karrin in si toos ah loola wareego shaqadoodda.
3-In ay arrintan Warbaahintu guddi u saarto,(Taasoo la magacaabay) si guddigaasi ugala hadasho cabashada ay qabto Hay’adaha dawliga ah ee ay khusayso, una diyaariso haddii loo baahdo tallaabooyinka lagaga gaashaamanayo.
4-Waxaa la isla qaatay oo kale in bulshadda loo ogolaado inay baahin karraan dhibaatooyinka shirkadahani ku hayaan.
Shirka waxaa ka qayb-galay.
Madaxda ururka Warbaahinta Ee Solja.
Wargeyska Hubaal.
Wargeyska Saxafi
Wargeyska Geeska Afrika
Wargeyska Foore
Wargeyska Jamhuuriya.
Wargeyska, Ogaal
Wargeyska Dawan
Wargeyska Warsugan
Wargeyska, Hubsad.
Wargeyska Waaheen
Wargeyska Somalilandtoday
Wargeyska Sahan
Wargeyska Himilo
Wargeyska Saxansaxo
Tv Horn Cable
Tv Bulsho
TV Space
Universal Tv
Kalsan TV
Somali Channel
Somsat Tv
Star Tv
Som News Tv
SBC TV
Sidoo kale, waxaa goob joog ka ahaa oo ka la qaatay go’aamadan masuuliyiin ka soctoy shabakadaha wararka Intarnetka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply