Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Oo Bulshadda Ugu Baaqay Inay Iska Bixiyaan Cashuuraha Ku Waajibay

0
364

By: Idiris Muxumed Xasan
Hargaysa(Dawan)Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Somaliland Axmed Nuur  Aw Cabdi Shaacir,  ayaa bulshadda ku dhiiri galiyay in ay iska bixiyaan cashuurta loogu adeegayo,si ay u helaan adeegyo raali geliya oo horumar muuqda loogu qabto.
 
Axmed Nuur aw Cabdi Shaacir oo  shir jaraa’id  xafiiskiisa ku qabtay Isniintii,  ayaa sharaxaad ka bixiyay  sida ay  laga Maarmaan  u tahay in cashuurta la iska bixiyo. “Waxaan saxaafadda iskugu  yeedhay inaan dadka ku dhaqan Somaliland ku baraarujiyo ahmiyada ay u Leedahay Cashuur Bixintu iyo Cashuurta oo l abixin waayaa,  khasaaraha ay bulshadda u leedahay,markaas ujadaydu  waa inaan ku dhiiri-geliyo in Qof kastaa cashuurta ku waajibtay  bixiyo. Waayo cashuuruhu waa rukamadda ay dawladnimadeennu ku socoto,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Maaliyaddu.
Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda waxa uu tafaasiil ka bixiyay waxtarka cashuuraha, waxaanu yidhi  “Dhaqaale haddii aanu jirin, nidaamka dawliga ahina ma sii jirayo,waayo  ma shaqeynayaan adeegyadii bulshaddu sida cisbitaaladda, waxbarashadda, jidadka iyo guud ahaan adeegyadda aasaasiga ah oo dhammi Haddaba,  Somaliland maxaa u dhaqaale ah ee ay ku ilaashan kartaa dawlad-nimadeeda,dhaqaalaheenna waxa laf-dhabar  u ahaan jiray xoolaha Nool,Iyana waad ogtahay in ay Abaaro iyo suuq xumo ku dhacday,markaas inooma buuxinayaan Xoolahu kaalmadii ay marka hore innoo buuxin jireen.”
 
“Cashuurta haddii aynu si wanaagsan ula baxno oo wadaninimo leh waynu jiri karaynaa,lakiin haddii aynu taas ku guul daraysano ma jiri karayno. Cashuuruhu laba Nooc weeyaan, middi waa cashuur layidhaa Kastammadda  oo ah cashuuraha  laga qaado badeecadaha ka yimaada dalka dibadiisa iyo badeecadaha dalka dibadda uga baxaya kuwa laga qaado intaas waxa la yidhaa Kastam. Cashuuraha kastamaddu ma aha wax degan  oo la isku halayn karo. Nooca labaad ee cashuuruhu waa kuwa dalka gudihiisa laga qaado waana ta u muhiimsan ee ay tahay inaynu xoojino oo u hagar baxno oo siday tahay bulshaddu ha u bixiso,”ayuu yidhi Md. Axmed-nuur Aw-Cabdi.
 
 
 

Leave a Reply