Geedka Ciidaha Masiixiga La Isticmaalo Oo Laga Digay Caafimaad Ahaan

0
290

Geedka ay inta badan dadka diinta masiixiga haystaa u isticmaalaan dabaal degyadooda ayay khubarada caafimaadka ka digeen inuu u xun yahay dhinaca caafimaadka oo uu samayn badan ku lee yahay.
Culimadan dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in waxyaalaha lagu sameeyo geedkaasi oo u badan ardafiishal ay sababaan caafimaad daradaasi,kuwaas oo keeni kara inuu wadnuhu qofkaasi xanuuno,gaar ahaana waxay aad ugu digeen raga.
Cilmibaadheyaal ka socday jaamacadda Simon Fraser University ee wadanka Canada ayaa daraasadan oo ay sameeyeen soo saaray natiijadii ay heleen hordhaceedii,waxaanay sheegeen in waxyaalaha geedkan laga sameeyey in ay yihiin kuwo dhaawici kara caafimaadka qofka.
Xeel dheereyaashan daraasada sameeyey ayaa sheegay in waxyaalaha geedkan laga sameeyey oo ah Polyvinyl Chloride ay tahay walax sun ah,taas oo inta badan sababta neef qabatin qofkaasi uu yeesho,sidoo kalena waxay sheegeen in ay ku jirto walax Gas ah oo iyaduna indhaha aan u wanaagsanayn.
Professor Bruce Anvillar ayaa sheegay in dadka geedkan sameeyey ay isku dayaan inay yareeyaan dabka geedkan ku baxaaya ,taas oo aanay iyagu doonayn inay dadka waxyeelo kazoo gaadho,waxaanu usoo jeediyey in loo baahan yahay in lagu daro ama lagu bedelo waxyaalaha ay kamidka yihiin Tin,Barium si ay walaxdani u noqoto mid amaan ah.
Khabiirkan ayaa sheegay in uu jidhku nuugo waxyaalaha suntan ah ee ku jira geedkan ama lagu sameeyo,kuwaas oo si tartiib tartiib ah ugu dhaadhaca jidhka hoose,gaar ahaana beerka,Kelyaha iyo unugyada taranka ee dadka ama qofka.
Waxyaalahan ayaa sababa in qofkaasi qaado xanuuno ay kamid yihiin  Cancer,xiiqda,madaama oo ay gelayaan neerfaha ay marto neeftu,sidoo kalena ay qofka ku keento dhalmo la’aan ama qofka oo ay dhalmadu ka guurto.
Khubaradan ayaa sheegay in ay raga u daran tahay suntan,iyada oo ay inta ugu badan xanuunadani ku dhacaan raga.
Sidaas darteed waxay soo jeediyeen khubaradani in laga tago geedkan oo lagu bedelo waxyaalo kale oo lagu dabaal dego,iyada oo sidoo kalena la dhigaayo geedkaasi meelo guryaha ka baxsan.
 

Leave a Reply