Badhasaabka Saaxil Oo Ka Hadlay Mudaharaad Ka Dhacay Berbera

0
364

Berbera (Dawan)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa ka hadlay mudaharaad shalay ka dhacay Magaaladda Berbera, kaasi oo lagaga soo horjeeday dilka Taliyihii ciidanka Birmadka Saaxil.
Badhasaabku waxa uu sheegay mudaharaadkii shalay ka dhacay Berbera ay sameeyeen  dad aan sharciga aqoon oo doonayay in dil lagu fuliyo askarigii dilay sarkaalkii Booliska ahaa. “Waxay doonayeen in markii xukunka Maxkamaddu dhacay ee lagu dhawaaqay-ba in la fuliyo xukunka ka soo baxay oo waxay ahaayeen dumar iyo caruur aan sharciga garanayn, kana soo jeeda qoyska marxuumku ka baxay.  laakiin markii aanu la hadalnay ee aanu u sheegnay in xukunka dhacay uu yahay derajada koowaad isla markaana loo gudbayo derajada labaad oo kiisku u gudbay,way ku qanceen waxaanay ku noqdeen guryahoodii imikana waxaa la isku raacay in laga war sugo kiiska Maxkamadda ku jira ee ah xukunka derajada labaad ee Maxkamadda ciidamada,”ayuu yidhi Badhasaab Fahmi Cabdi Bidaar oo xalay u warramayay DAWAN.
 
Mr. Fahmi waxa uu sheegay in xalay la aasay sarkaalkii khamiistii la dilay, waxaanu yidhi  “Markii xukunka Maxkamaddu soo baxay ee dadkii kacsanaa aanu u sheegnay in loo gudbayo derajada labaad ee xukunka sharcigana la marinayo gacan ku dhiiglaha ayaa  la isla qaatay in marxuumka la aaso imikana waxaanu ku sugan nahay xabaashii marxuumka lagu aasayay waxaana lagu sagootiyayaa aas qaran.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply