Ruushka Oo Sambabadii Ugu Horreeyey Ku Xidhay Nin Cabista Sigaarku Waxyeelo Gaadhsiiyay

0
374

Kooxaha qaliinka wadanka Ruushka ayaa ku guulaystay qalin ay ku sameeyeen nin sigaarka aad u cabi jiray oo dhibaato kazoo gaadhay,waxaana lagu sameeyey qalinkan dhakhtar ku yaala magaalada Krasnodar.
Warbixin kazoo baxday wasaaradda Caafimaadka dalkaasi Ruushka ayaa lagu sheegay in dhakhtarka weyn ee magaalada Krasnodar uu ku guulaystay qalin uu ku sameeyey nin 34 sanno jir ah,kaas oo la doonaayey in laga bedelo sambabada,kadib markii uu waxyeelo soo gaadhsiiyey sigaarka oo uu aad u cabi jiray,waxaana lagu shegay warbixintan in uu sambabada u liitay ilaa intii uu da’ahaan jiray 20 ka sanno.
Dhibaatada ninkan haysatay ayaa la sheegay in ay ahayd iyada oo aanu awood u lahayn in uu neefsado,sidoo kalena aanay sambabadiisu ahaayeen kuwo aan wareejin karayn hawada loo yaqaano Oxygen-ta.
Wareejinta hawadan oo 95% ay ka dhici jirtay sambabada ayay dhakhaatiirtu sheegen inay gaadhay 75%, taas oo ka dhigtay mid aad u xanuunsaday,isaga oo mudadaasi ku noolaa dawooyin uu qaadan jiray.
Qalinkan ayay wasaaradu sheegtay inuu soo maray muddo dheer oo ilaa Shan saacadood ah,waxanaay sheegeen in uu ninkaasi yahay hadda mid caafimaadkiisu fiican yahay oo ku jira weli cisbitaalkii.
Cisbitaalkan ayaa laga soo bilaabo sannadkii 2009 ahaa mid loo ogolaa qaliinada,isaga oo qalay dad gaadhaaya ilaa 550 qof,waxaana sambabada ahaa ilaa shan qof sida warbixinta lagu sheegay.

Leave a Reply