Maqaaxi Biyaha oo keliy Iibisa

0
465

Magaalada Newyorka waxa ka samaysan makhayaado badan oo yaab iyo amakaak leh laakiin makhaayadda “Moleikol” waxa keliya ee ay iibisaa waa biyo taasi oo ah fikrad cusub oo ka baxsan caadiga.
Makhaayadda Moleikol waxay samaysay tuunbooyin ku xidhan qalab loogu talo galay oo biyaha nadiifinaya. Biyahaasi nadiifta ah marka lagu siiyo waxaad iska bixinaysa $ 2.5 marka aad qaadato 16 oz ( wiqiyad).
Qalabka oo qiimihiisu dhan yahay 25 kun oo doller ayaa biyaha nadiifinaya iyadoon lagu darin wax kale iyadoo adeegsanayso 7 qaybood oo u gaar ah. Wargeyska Asharq ayaa sheegay in biyaha Newyor ay yihiin kuwo saafi ah oo aan loobaahnayan in dib loo nadiifiiyo.
Khubaro badan oo saxaafadda ah ayaa iyana sidaasi sheegay. Laakiin asaasaha huteelkan Adam Rouf ayaa diiday sheegashooyinkan isagoo yidhi “ Ma rabno Kimiko lagu nadiifiyo, mana rabno Koloriin” anagu si dabiiici ah ayaanu u nadiifinaynaa. Macmiishun si xoog leh ayay nooga iibsdaan ayuu yidhi Mr. Rouf.

Leave a Reply