Aroosadii Ayaa Ka Baxday Xafladdii Iyadoo Cadhaysan

0
406

 
Dalka Hindiya booliiska ayaa sheegay in gabadh caruusad ahi ay ka baxady xafladii arooskeeda oo socota iyadoo cadhaysan.  Arrintan ayaa ka dhalatay ka dib markii aroosadu ay weydiisay ninkeeda arooska ahaa su’aal aad u fudud oo ahayd xisaab ah iyadoo ka codsatay inuu tirad 16 ku daro 5, isugeyntaasi ayuu khalday aroosku isagoo jawaabtii ka dhigay 17, halkii ay ka ahayd 21. Aroosadda ayaa xafladii oo socota iskaga baxday iyadoo ka cadhootay su’aasha fudud ee uu garan waayay. Su’aasha ayaa ka mid ahayd su’aalo sida caadiga arooska iyo aroosadaa iyo dadka xafladda ka soo qayb galay isku maaweeliyaan.
 
Arooskan oo galabnimadii Arbacada ahayd ka dhacay magaalada Rousel Abad ee gobolka Autra waqooyiga Hindiya sida laga soo xigtay Rakish Kumar oo ka tirsan booliiska  degmada, qoyska arooska ayaa codsaday in la soo celiyo gabadha arooska, laakiin gabadha aroosada ayaa diiday iyadoo sheegtay inuu arooska heerkiisa tacliimeed ay aad u hoosayso , isla markaana uu sito shahaadooyin been ah , wuxu garan  waayay su’aal fudud oo uu garan karo ardayga fasalka koowaad ee dugsiga hoose, sidaas darteed ma rabo nimaan aqoon lahayn oo jaahil ah, guurkayaguna wuxu ahaa khalad dhacay, waanan ka xumahay ayay hadalkeed ku soo xidhay.

Leave a Reply