Sarkaal Xisbulaah ah oo lagu Dilay Dimishiq

0
409

Hogaamiye maleeshiyo reer Lubnaan ah ayaa lagu dilay gantaal lagu dhuftay meel u dhow magaalada Dimishiq.
Kooxda maleeshiyada shiicada ah ayaa weerarkan ku eedeeyey dowlada Isra’iil inay ka dambaysay.
Ninkan la dilay oo lagu magacaabo Samir Qantar ayaa horay looga sii daayay xabsiga Isra’iil ku yaala.
Ka dibna Samiir Qantar waxaa la aaminsan yahay inuu xubin sare ka noqday ururka Xisbullaah.
Mudadaasi wixii ka dambeeyey Samir waxa isaga iyo boqolaal dagaalyahano ay ka garab dagaalamayeen dowlada Suuriya.
Bishii September Maraykanka ayaa ninkan ku calaamadiyay argagaxiso.
Gantaalkan ayaa la sheegayaa inuu ku dhacay dhismooyin deegaano ah oo u dhow caasimada Dimishiq.
 

Leave a Reply