“Carwadii Kalluunku Waxay Muujisay Baahida ay Bulshadu u Qabto Khayraadka Badda”

0
347

Hargeysa, (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somalilanad Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) ayaa ka warbixiyay midho-dhalkii dabaal-deggii iyo carwadii kalluunka ee bishan lagu qabtay magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.
Agaasimaha guud ayaa sheegay in hirgalka hawshii carwada kalluunku ay noqotay mid natiijo wanaagsani kasoo baxday, isla markaana bulshada u noqotay baraarug, isla markaana la dareemay baahida ay dadweynaha Somaliland u qabaan khayraadka kalluunka.
Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) waxa uu xusay inay qorsheynayaan sii wadida iyo dhiirigelinta cunista kalluunka. Sidoo kale waxa uu agaasimuhu tilmaamay inay ku boorinayaan shirkaddaha kalluunku inay balaadhin ku sameeyaan suuqyada laga helo kalluunka, si bulshadu ay meel walba uga hesho khayraadkaas oo isticmaalkiisu u kordho.
Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysigu waxa uu sheegay inay guud ahaan ka wada tashan doonaan daneeyayaasha kalluumaysiga hanaanka dambe ee loo qabanayo bandhigyada iyo carwooyinka kalluunka sannadaha soo socda.
Agaasime Cabdi-gurey oo shalay xafiiskiisa wareysi gaar ah kusiiyay wargeyska DAWAN, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay. “Waxa dhawaan hirgelay hawl-galkii balaadhnaa ee aanu ku magacawnay dabaal-degga iyo bandhigga kalluumaysiga Somaliland runtii hawshaas mid lagu guuleystay ayay noqotay. Ugu horeyn waxaanu sifaynay dekeddii kalluumaysiga oo dhawriyo labaatankii sannadood ahayd meel qashin-qub ah, halkaasoo ay ka wada hawl-galeen dhamaan hay’addaha gobolka Saaxil, wasaaradda kalluumaysiga iyo ururka kalluumaysatada Somaliland, waxaanay noqotay goob bilicsan oo lagu soo qabtay munaasibaddii bandhigga kalluunka.”
Agaasimaha oo ka hadlaya doorkii carwada saddex maalmood ahayd ee bandhigga kalluunka ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi. “Arrinta labaad waxa weeye bandhiggii saddexda maalmood ahayd ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxay shirkaddihii kalluunku halkaas kusoo bandhiggeen kalluun aad u tiro badan, dadweynihiina markay maqleen bandhiggaas kalluun badan bay iibsadeen. Waxaana muuqatay in rabitaanka kalluunku  uu aad u badan yahay, waxa kasoo baxday inay kalluumaysatada fursad u ahayd, waxa noo muuqatay in loo baahan yahay in la balaadhiyo suuqa kalluunka oo dhamaan shirkaddaha kalluunka ka shaqeeya ay abuuraan suuqyo dadku kalluunka ka helo, waxa kale oo weli loo sii baahan yahay wacyigelin balaadhan oo dadka lagu baraarujiyo faa’iidooyinka uu kalluunku leeyhaay ee uu kaga wanaagsan yahay hilibka cas, hadday tahay xaga nafaqooyinka iyo waxyaabaha dhisa maskaxda aadamaha.”
“Waxaanu sii wadi doonaa kulamo aanu dadka ku wacyigelinayno oo aanu dhiirigelino in suuqyada la balaadhiyo iyo sidoo kale ka ganacsigii dibadda loo dhoofinayay, halkii aanu anagu markii hore ku dhawaaqnay in sannadkiiba mar la qabto bandhigga kalluunka dadku waxay leeyihiin waa in dhawrkii biloodba mar la qabtaa, taasina anaga wasaarad ahaan dhiirigelin weyn bay noo noqotay iyo kalsooni ah inaanu si wanaagsan u fulin karno hawshaas.” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradd kalluumaysigu.
Sidoo kale Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddu waxa uu mahad-naq ujeediyay dhamaan shirkaddihii, hay’addihii, ganacsatadii iyo ashkhaastii ka qayb qaadatay hirgelinta dabaal-deggii iyo carwadii kalluunka ee ka qabsoontay magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply