Wadahadaladii Nabada ee Yaman oo loo Ballamey 14 January

0
361

Wadahadaladii loogu raadinayay xalka qalalaasaha  Yaman ayaa ku burburay Iswizerland iyada oo  aan la gaadhin heshiis.
Ergayga gaarka ah ee QM  Ismail Ould Cheikh Ahmed ayaa sheegay in wadahadalada leysugu soo noqon doono  14 January  inkasta oo aan la go’aamin goobta leysugu imanayo.
Waxa uu sheegay in la sameeyay waxoogaa horumar ah , balse ku xadgudubka xabbad joojintii ku meelgaadhka aheyd sababtay dhibaato.
Mr Ahmed oo ka hadlayay shir saxaafadeed ayaa ku dooday in ay dadaal badan u galeen maalmhii u danbeeyay sidii ay u sii jiri lahayd xabbad joojintu.
“Waxa aan gaadhney hormar weyn maalmahan balse kuma fila, waxaanan u baahnay in la is dhaafsado fikrado dheeri ah,” ayuu yidhi.
” Waa tallaabo loo qaaday xagga saxda ah. Haatan waa in aan tagnaa oo aan siinaa waqti horumarka .”
some progress was made
Haseyeeshee warfidiyeenka ayaa sheegaya in ay burburtey ujeedadadii QM ku doonaysay ee ahayd in ay sii jirto xabbad joojinta.
Si loo gaadho taasi ayaa la abuurey guddi ka howlgasha oo ay madaxda milateriga ee labada dhinac ka qayb yihiin.
Dhinaca kale Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal kulul  oo u dhaxeeya ciidammada dowlada Yemen iyo fallaagada Xuutiyiinta kaasi oo ka dhacay waqooyi galbeed ee dalkaasi Yemen.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah ugu yaraan sideed iyo labaatan askari iyo afartan ka tirsan fallaagada.
Rabshadahan ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan magaalada Harad oo u dhaw xudduuda Sucuudiga halkaasi oo ay ciidammada dowladda la wareegeen laba maalmood ka hor.
Wuxuuna kusoo aadayaa xilli lagu dhawaaqay xabad joojin lagu soo beegay wadahadalada nabadda ee haatan ku burburey dalka Switzerland.
Maalmo yar ka hor ciidammada dowladda Yemen ee taageerada ka helaya Sucuudi Carabiya oo loo daadgureeyay furumaha hore ee dagaalka ee xudduuda Sucuudiga ayaa waxa ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada Harad, balse fallaagada ayey kala kulmayeen dagaal rogaal celis ah.
Waxaa jira warar sheegaya in la burburiyay tobaneeyo baabuurta gaashaaman iyo taangiyo, iyadoo diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigana ay bartilmaameedsanayeen goobaha ay joogaan fallaagada.
 

Leave a Reply