Sheekooyinka Khayaaliga Ahi Run Ma Noqdaan?

0
460

Morgan Robertson  oo ah qoraa caan ku ah sheekooyinka gaagaaban oo Maraykanka ayaa sanadkii 1898 qoray  Buugga sheekada laga magac baxaday The Wreck of the Titan (Burburkii Titan).
Muu ahayn faaliye mana uu ahayn xidigiye, laakiin sheekada uu alifay  ayuu kaga waramay  Markab weyn oo Titan lagu magacaabo oo burburay isagoo ka talaabaya badaweynta Atalatinga meel 400 km  u jirta  Jasiirada New foundland, taasi oo jiidhay buur goor habeenimo ah.
Isagoo sheekada ku daray in Rakaabkii Markabku ay wada dhinteen ka dib markii ay waayeen saxiimado badbaadiya.
Waxase yaab noqtay muddo 15 sano ka dib markii uu alifay sheekadan oo ahayd 1912-kii 15 April, ayay si rasmi ah u dhacday sheekada uu buuga ka alifay.  Wakhtigaasi Markabkii Titanic ayaa ku burburay biyaha badweyntaasi uu sheekada ku cadeeyay waxaana dhintay kala badh rakaabkii sarnaa ka dib markii ay ku yaraadeen saxiimadaha badbaadadu. Waxa yaab noqotay sida ay mararka qaarkood sheekada khayaaliga ahi ay u noqoto mid rumowda.
 

Leave a Reply