Dadka Ay Malaa’igta iyo Xayawaanku u Duceeyaan!

0
759

Rasuulka Allah (scw) wuxu axaadiis badan inoogu cadeeyay inay jiraan dad ay malaa’igtu u ducayso waxaana ka mid ah axaadiistan:
 
Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi “ Allah (sw), Malaa’igta iyo ehlu samaawaadka iyo dhulka, qudhaanjada godkeeda ku jirta, Kaluunka badda ku jira waxay u duceeyaan qofka dadka khayrka bara”.
 
Rasuulka Allah (scw) ayaa xadiis kale ku yidhi “ Qofkii u duceeya walaalkiisa muslinka ah isagoo ka maqan waxa madaxiis istaaga Malag loo wakiishay inta uu ducada dhamaynayo, waxaana uu yidhaadaa Aamiin, adiguna waxaad leedahay intaad ugu ducaysay in leeg”.
Qofka Allah (sw) dartiisa u bixiya hantidiisa waxa uu Rasuulka Allah (scw) yidhi “ Ma jiro qof  xoolihiisa bixiya, haddii uu jiran laba Malag ayaa soo dega, kan koowaad wuxu yidhaadaa Allahyow sii wuxu bixiyay, (usoo celi) kan labaadna wuxu yidhaahdaa, Ilaahayow  wuxu haysto u barakee”.
Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi “ Allah (sw) , iyo Malaa’igtu waxay u duceeyaan qofka ku tukada safka hore, asxaabta ayaa ku yidhi , Rasuul Allaw (scw) safka labaadna? Rasuulka (scw) waa ka mid safka labaadna

Leave a Reply