Burkina Faso oo loo Dhaariyay Madaxweyne Cusub

0
390

Nin hore u ahaa  banker ayaa loo dhaariyay  inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka  Burkina Faso iyada oo hortiisa joogaan kumanaan taageerayaashiisa ah oo faraxsan.
Ninkan oo la yidhaa Roch Marc Christian Kabore waxa uu ku guuleystay doorashooyinkii bishii hore.
Waa madaxweynihii ugu horeeyay tan iyo markii lagu  ridey hoggaamiyihii hore  Blaise Compaore  kacdoon dadweyne kal hore.
Mr Kabore  ayaa la jaal ahaa  Mr Compaore ka hor intaaney labaduba dhicin.
Dhawr madaxda Afrika ah ayaa ka soo qaybgalay caleemasaarka  Mr Kabore oo ka dhacay caasimada  Ouagadougou.
Mr Kabore  waxa uu sheegay  inuu difaacayo dastuurka, islamarkaana uu xaqiijinayo caddaalad loo dhan yahay.
Waxa uu mar soo ahaa Ra’iisulwasaaraha  Mr Compoare, haseyeeshee waxa uu ku soo caanbaxay kadib markii uu ka soo horjeestay beddelaadii dastuurka ee lagu doonayay inuu mar saddexaad tartamo madaxweynihii hore.
Mr Compaore waxa uu u baxsadey  Ivory Coast kadib markii xoog lagaga qaaday xafiiska.

Leave a Reply