Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Wada Jir Ah La Yeeshay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Doorashooyinka

0
405

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay kulan la yeeshay saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranka, kaas oo lagaga wada hadlay qabashada diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka, Guddoomiyaha  xisbiga mucaaradka  ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI  Axmed Muunin  Seed iyo guddoomiyaha komishanka doorashooyinka C/Qaadir Iimaan Warsame oo kulankaasi ka dib warbaahita la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in laga wada hadlay wakhtiga la qabanayo diIwaangleinta codbixieyeyaasha.
“Komishanka doorashoyinku waxa ay soo bandhigeen qorshe tifotiran oo la xidhiidha  sidii diwaan-gelintii codbixiyeyaashu u bilaabmi lahayd, dhawaan  waxa la isku raacay in diiwaan-gelintii la bilaabo maalinta komishanka doorashooyinku cayimaan, lagana bilaabo gobolka Togdheer,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaas ku daray  “Axsaab ahaan iyo xukuumad ahaana waxaa aanu ku qanacnay sidii hawshaa diIwaan-gelinta u soo qorsheeyeen komishanka doorashoyinku. aad iyo aad ayaan ugu amaanayaa hawshaa sida ay u wadaaan, waxaan rejaynayaa in diiwaan-gelintu si nabada innoogu bilaabmanto si nabadana innoogu dhammaato.”
 
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng.  Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna waxa uu tilmaamay in uu soo dhawaynayo qorshaha komishanka doorashooyinku soo dhigay ee ku wajahan  qabashada diiwaangalinta codbixieyaasha.
“ Aad ayaan u hambalyaynayaa komishanka doorashooyinka oo noo soo bandhigay habka ay doonayaan inay u bilaamato diiwaan-gelinta codbixieyaasha. waxa kale oo aan hambalyaynayaa gobolka  Togdheer oo loo doortay inuu  noqdo meeshii laga bilaabayay diiwaan-gelinta codbixyeyaasha, taa macnaheeduna, waxa weeye in gobolkaasi yahay gobol u bisil oo diyaar u ah diiwaan gelinta,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee xisbiga WADDANI  Axmed Muumin Seed, ayaa isaguna waxa uu sheegay in ujeedada kulankani  ahaa qaabkii  loo bilaabi lahaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
“Xukuumadda iyo saddeda xisbi goob joog ayaanu  ahayn, tallada la iskugu yimid waxay ahayd  qaabkii ay u bilaami lahayd Diiwaan-galinta codbixiyeyaasha. komishanka doorahooyinka way ku mahadsan yihiin sida ay noogu soo bandhigeen markaa arrintu  u bucdeedu waxa ay ahayd in loo diyaar garaabo, diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo dhwaan dalka ka bilaami doonta dalka,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI.
Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland  C/qaadir Iimaan Warsame oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in bisha January ee sannadka fooda innagu soo haya ay bilaami doonaan  diiwaan-glinta codbixiyeyaasha.
“Waxaanu  ummadda Somaliland u sheegaynaa in maanta shalay soo gebogebaynay diyaargarawgii diiwaan-gelinta codbixiyaasha qaranka. Waxa aanu jidwal u samaynay sida gobolladii isku raacayaan Iyo sida ay u kala horaynayaan  iyo goorta la bilaabayo waxa aanu kala tashanaynay xisbiyadda qaranka iyo xukuumadda oo uu hogaaminayo madaxweynaha qaranka  iyo madaxweyne ku xigeenka, in aanu isla qaadano, loona midoobo in diiwaan-gelinta la qabto. Diiwaan-gelintu waxa ay ka bilaamaysaa gobolka Togdheer bisha January labada toddobaad ee ugu horeeya. Agabkii lagu galayay diiwaan-gelinta iyo shaqaalihi ba way dhan yihiin,”ayuu doodiisa ku sharaxay Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan Warsame.Kulankaas waxa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply