Duulaan Ciidamada Suuriya Qaadeen

0
415

Wararka ka imaanaya Syria, ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay bilaabeen weerarkoodii ugu horeeyay ee xoog leh oo ay qaadaan muddo dhowr bilood ah.
Ciidamada ayaa la dagaalamaya mucaaradka haysta koonfurta dalka. Waxay sheegeen in ay dib u qabsadeen saldhig military, inkastoo ilo dhinaca mucaaradku sheegayaa in mucaaradku dib isu xoojiyay oo dib ula wareegay saldhigga.
Weerarku wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay waa markii ugu horaysay ee ciidamada dowladda ay isku dayaan weerar xoog leh oo ay ka gaysanayaan dhinaca koonfurta tan iyo markii sadex bilood ka hor uu Ruushku bilaabay ololihiisa dhinaca cirka ee uu ku taageerayay madaxwayne Assad.
Waxay ahayd magaalada ugu wayn gobolka ee Deraa, tan uu ka bilowday kacdoonka looga soo horjeeday Mr Assad.
Ilaa hadda, ciidamada Syria ayaa sheegay in ay dib u qabsaday saldhigga ciidamada ee Brigade 82, mucaaradkuse ma xaqiijinayaan.
 
 

Leave a Reply