Dawladda Somaliland Oo Khubarro U Diraysa Haan Dadweynuhu Walaac Ka Muujiyeen Oo Ku Soo Caariday Xeebta Sanaag

0
363

Dhahar(Dawan): Xukuumadda Somaliland  ayaa  ku dhawaaqday in ay dibada  ka dalbatay khubarro heer caalami  ah oo  baadhitaan ku samaysa  Haan ku soo caariday xeebaha gobolka Sanaag  gaar ahaan  degmada Laaso-Surad meel u jirta   20KM.
 
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Faarax Buureed, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku  sugan magaaladda Dhahar. Waxaanu   intaa ku daray in ka Xukuumad ahaan ay dedaal  u galeen in ay si dhakhso ah u ogaadaan Haantaasi ku  soo caariday xeebaha Sanaag  waxay tahay iyo  taasi oo uu tilmaamay in ay khatar ku  tahay dadka iyo degaanka.
Cali Buureed,   waxaa kale oo uu  ka hadlay  xaaladda abaareed eek a taagan  degaanada  gobolkaasi  iyo guud ahaan dalka Somaliland.  Waxaanu  bulshada u soo jeediyay   in ay Rabbi  baryaan oo ay iyagu dhexdoodda isa-saamaxaan salaad roob doon ahna  oogaan.
Wasiir Buureed, oo ka hadlayay arrinta Haanta ku soo caariday xeebaha gobolka Sanaag waxa uu yidhi  “Marka wax soo kordhaan  talaabada ku  habboon ayay dawladdu ka qaadataa,  dalkana wax kasta oo ku soo kordha waa la og yahay,  oo waa lala socdaa.   Haantan  oo looga shakisan yahay in ay noqon karto shay sun lagu soo mooriyay,  ayaa u baahan in baadhitaan  rasmi ah lagu sameeyo isla markaana  la ogaado waxa ku jira,  ee Haantan ku moorsan. Waxa  kale oo lagama maarmaan ah in baadhitaan lagu sameeyo in ay jiraan kuwo kale oo la mid ah,  oo baddeena ku hadhsan iyo in ay tan oo keliya ahayd.”
Mar uu ka jawaabayay Wasiirku Su,aal aanu ka waydiinay  cidda ay dawladdu u dirayso ee khuburada ahi halka ay ka  imanayaan, waxa uu  ku jawaabay   “Wasaarad ahaan iyo ka Xukuumad ahaanba waanu qaadnay tallaabadaa,  Khubaradii  ku habboonayd ee Haantan baadhitaanka ku samayn lahayd imikana waxaa la sugayaa in ay yimaadaan oo keliya oo ay dhakhso u soo gaadhaan goobta ay haantu taallo. Waxa  keliya ee dib u dhacooda keenayna waa sanadka cusub  munaasibadihiisii iyo fasaxyo ay galeen.  Laakiin  imika deg deg  ayay  dalka u soo gaadhayaan,  waxaanay ka imanayaan dalka Jabuuti. Waxa  kale oo aanu doonaynaa in aanu hubino in Haamo   kale oo sun sidaa in ay ku jiraan badda degaanka ay ka soo caariday ee Somaliland si aanay waxyeello iyo dhibaato uga soo gaadhin noolaha Badda ku jira iyo dadkeena midnaba”ayuu yidhi wasiir Cali Buureed.
Dhinaca kale wasiirka oo aanu wax ka waydiinay u jeedadda socdaalka uu ku joogo Dhahar, waxa uu yidhi  “Anigu ma ogi meel qofka iyo masuuliyadda uu hayaa ay ku kala hadhaan iyo meel la sii dhigto xilka qaran ee qofku hayo,  aniguna dhuumasho iyo is-qarin  halkan (Dhahar) kuma joogo.   Laakiin  anigoo ah Wasiir Qaran oo ah wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka  badaha   ee Somaliland ayaan hadda Dhahar ku suganahay. Dhahar-ina waa Somaliland,  horena way u ahayd imikana way tahay,  waanay ahaanaysaa inta dunidu jirto.” Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay Wasiir Cali Faarax Buureed Abaaro baahsan oo dad iyo duunyaba asiibay isla markaana si ba’an uga jira dalka oo dhan gaar ahaan degaanka gobolka Badhan oo ay ka tirsan tahay  degmada Dhahar.  “Degaanka abaar baahsan ayaa ka jirta,  oo dad iyo duunyaba   asiibtay degaankana abaartii ugu darnayd ayaa ku dhufatay,  markaa waxaan ALLE ka baryayaa in uu ummadda u naxariisto oo uu raxmaadkiisa ugu deeqo Bulshada gobolka Badhan iyo guud ahaan Umadda reer Somaliland waxaan kula dar daarmayaa in ay is wada cafiyaan oo ay RABBI u soo  noqdaan Salaad Roob doon ahna ay oogaan”ayuu yidhi wasiirka   Kalluumaysiga.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply