Kaalintee Ayay Wasaaradda Shaqadu Ku Leedahay Xakamayta Ajaanibka?

0
465

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland   Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) ayaa ka hadlay kaalinta wasaaradiisa kaga beegan  go’aankii xukuumaddu ka soo saartay dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan.
Wasiir Cali Sandule oo shalay hadal ka jeediyay kulan lagaga hadlayay xuquuqda carruurta oo ka furmay magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu sheegay in ka wasaarad ahaan shaqadoodu ay tahay ruqsad siinta shaqo ee dadka ajaanibka ah, hase yeeshee aanay shaqo ku lahayn  dadka dalka soo galaya.
Cali Sandule oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Golaha wasiirrada waxa laga ansixiyay sharci sharaxaya qaabka dadka ajaanibka ahi  ay dalka ku soo galayaan. Anaga wasaarad ahaan waxa nagaga aadan, oo aanu  masuul ka nahay ruqsad siinta shaqo ee qofka.”
 
Wasiirka Shaqadu  waxa kale oo uu intaa ku daray “Soo gelida iyo fiiso siinta dadka ajaanibka ah waxa leh wasaaradda arrimaha gudaha oo laanta socdaalku u qaabilsan tahay, marka ay naga helaan warqada shaqo siinta. Laakiin waxa aanu ku shaqo leenahay maaha qof dalka yimid, oo aanu leenahay muxuu dalka u yimid.” Wasiirku  waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la sameeyo sharcigii lagu hagi lahaa caruurta, waxaana uu yidhi “Waanu ognahay caruurteena qaar darbi jiifa ayaanu haynaa, qaar baa agoomo ah oo meelo ku jira, waxaas oo dhan waxa la rabaa in la helo sharci haga, oo iyagana ilaaliya oo xuquuqdooda iyo karaamadooda ay ilaashadaan bulshadda nugul waxoodu waa shuruuc.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply