Dhakhtaradii hore ee kooxda Chelsea Eva Carneiro ayaa ka soo muuqday dhageysiga dacwadeeda ka dhanka ah kooxdii shaqada ka eriday ee Blues.
Waxa ay ku dacweyneysaa kooxda inay eryeen islamarkaana ay ku xad-gubeen qandaraaskii ay kula jirtay.Dhageysiga dacwada oo aheyd mid albaabada ay u xidhan yihiin ayaa ka dhacday koonfurta magaalada London shalay.
Ka dib dhageysiga dacwada Mary O’Rourke oo wakiil ka ah Carniero ayaa sheegtay inay dhakhtarada diiday inay heshiis gooni ah la gaadho Chelsea si ay uga laabato dacwadeeda, Carniero ayaana diiday heshiis kasta oo lacageed oo loo soo bandhigi lahaa si dacwada ay uga laabato, waxaana lagu balamay in dhageysiga dacwada mar kale la isagu soo laabto.
Waxaa jirta dacwad tan ka duwan sidoo kalena xidhiidh la leh sheekadan oo ay Carniero ku heysato macalinkii hore ee Chelsea Jose Mourinho oo ay ku eedeyneyso inuu ku fuquuqay dumarnimadeeda.