Dhir Loo Isticmaali Karo Daawooyin Oo Markii Ugu Horeysay La Helay

0
348

Khubaro dhanka Sayniska ah oo laga soo bilaabo sannadkii 2015 daraasado ku waday baadhitaanada dhir kala duwan ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay dhir ay heleen oo ah kuwo loo isticmaali karo dawo ahaan.
Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska The British Dependent oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan waxay khubaradani  heleen geedkaasi oo noqon kara dawo,waxaanu dherer ahaan gaadhayaa ilaa 3 meter halka uu baladh ahaana gaadhaayo 45 meter.
Cilmiyahanadan ayaa baadhitaano ku sameeyey ilaa 140 nooc oo dhir ah ,kuwaas oo ku kala yaala meelo kala duwan,waxaana ku jira siday sheegeen dhirta ku taala beeraha iyo banaanka wadankaasi iyo magaalooyinka Ingiriiska.
Khubaradan ayaa sheegay in dhirtan sidoo kale laga heli karo lagana samayn karo noocyo cusub oo saliid ah,kuwaas oo loo adeegsan karo habab kala duwan oo dawooyin ku jiraan,halka laga samayn karo hadii la sii baadho kiniino iyo sharoobooyin lagu daweyn karo xanuuno kala duwan ,iyada oo lagu xidhaayo hadba kiimikada lagu daraayo oo xadi ahaan yar.
Saynisyahanadan ayaa sidoo kale sheegay in 22 nooc oo kamid ah dhirta ay baadheen in ay ahaayen kuwo laga soo qaaday wadanka Brazil,gaar ahaana dhulka xeebaha ah iyo sidoo kalena meelaha kaymaleyda ah.
Dhirtan qaar badan oo kamid ah ayay khubaradani sheegeen inay ku bixi karaan meelaha qalalan ee aan biyaha lahayn,halka kuwo kalena ay ku bixi karaan qoyaanka,iyaguna waxa jira kuwo labadaba u dhexeeya.

Leave a Reply