Dayuuradda Oo Hawada Ku Jirta Ayuu Duuliyuhu Dhintay!

0
368

Dayuurad ay leedahay shirkadda dayuuradaha Maraykanka oo siday rakaab dhan 147 qof iyo shan shaqaalaheeda ka mid ayuu u dhintay duuliyaheedu u dhintay si lama filaan ah. Sida ay baahisay shebekadda ABC hagidda dayuuradda waxa la wareegay kaaliyihisa, kaasi oo fadhiisiyay maadaarka Newyork isagoon raakiibkii ogaysiin si aanu aragagax ugu dhicin.
Kaaliyaha ayuu xarunta hawada ee madaarka Newyork u sheegay inay jirto xaalad caafimaad oo ay si degdeg ugu diyaar garoobaan, taasi oo ay  fulieen. Waxaan ay shebkedu intaasi ku dartay in aan shirkada hawada Maraykanka aanay baahin magac duuliyaha iyo sababta uu u dhintay. Tan iyo sandkii 1994 toddoba duuliye dayuuradeed ayaa dhintay iyagoo ku jira hawda sare sida ay baahisay wakaaladda duulimaadyada Maraykan ( USA Avation Agency).

Leave a Reply