Beytari Aan Qarxay Oo La soo Saaray Sannadkan Cusub

0
278

Waxa sannadkan cusub ee hadda la galay horaantiisa lasoo saaray Beytari cusub oo aan qarxayn,kaas oo awooda inuu joojiyo shaqada marka uu kulaylkiisu gaadho ama dhaafo halkii loogu talo galay.
khabiir ka tirsan khubarada jaamacadda Stanford University oo lagu magcaabo Qinan Bao ayaa sheegay in ay khubaro ahaan muddo dheer ku dedaalayeen sidii ay u soo saari lahaayeen baytariyo aan qarxin markay xadkooda dhaafaan kulayl ahaan,waxaanu intaasi raaciyey inay hadda ku guulaysteen inay soo saaraan beytariyadaasi ,kuwaas oo is bakhtiinaaya marka ay shaqada ay qabanayaan intii loogu talo galay dhaafto.
mr Jiabao ayaa isna sheegay in ay jirto walaxda ay ka samaysan yihiin Beytariyadaasi ee Lithium,taas oo sababta inuu heer kulka  gudaha Beytarigaasi cirka isku shareero ,ka dibna uu isu bedelo Gas,taas oo ugu dambayn gaadha ilaa 1000 digrii  Selsiyas,taas oo sababta qaraxaasi.
kooxdan Saynisyahanada ah oo uu hogaaminaayey Pau ayaa ku dedaalaayey waqtiyadii ugu dambeeyey sidii ay uga hortegi lahaayeen qaraxyada ay sababaan beytariyadaasi,iyaga oo kaashanaayey khubaro ku takhasustay cilmiga Fisigiska.
ugu dambayna khubaradani waxay ku gulaysteen inay soo saaraan Beytari is bakhtiinaaya marka uu gaadho meel dhaafsan xadka loogu talo galay kulayl ahaan.
 

Leave a Reply