Ha ka Wer werin Inay Shandadahaagu Kaa Lumaan Maanta Ka Dib

0
262

Koox arday ah oo u dhalatay wadanka Lubnan ayaa soo saaray shandado noocoodu dunida ku cusub yahay, kuwaas oo loogu talo galay in marka la dhoofaayo la qaato,waxaanay shandadahani yihiin kuwo ay ku rakiban yihiin qalab garanaaya qofkii sitay lana qabsanaaya dareenka qofkaasi.
qalabka lagu xidhay shandadahan ayaa lagu barogaraamiyey ereyada ah (Bag Follow me Whenever i go) oo macnaheedu yahay ila soco meel kasta oo aan tago,waxaana qalabkan sameeyey shan arday oo kamid ah ardaydaasi reer lubnan,sida uu sheegay khabiirka lagu magcaabo Ralph Shalhoub oo kamid ah ardaydaasi.
shandadahan ayaa ah kuwo loogu talo galay in lagu gurto dharka,sidoo kalena lagu dhex ridan karo shandadaha kale ee yar yar,kuwaas oo si fudud loo heli karo haday lumaan,iyada oo ay sheegeen kooxdaasi inay aad u adag tahay inay lumaan.
qoraal kooban oo ay ka sameeyeen shandadahaasi iyo sida loo isticmaalaayo ayay ciwaan uga dhigeen haka werwerin inay kaa lumaan alaabtaadu xiliga safarka,waxaana qoraalkaasi lagu dhejiyey meelo madaarka Dubai kamid ah,halkaas oo ay dadka ugu badani ka dhoofaan caalamka.
ardaydaasi ayaa qoraalkooda ku sheegay inay hadda wadaan qalab yar oo cusub,kaas oo loogu talo galay in lagu dhejiyo shandada dhinaceeda,kaas oo isaga laftiisu noqon doona qalabka mustaqbalka bedeli doona shandadahan,waxaanu qalabkaasi u samaysan yahay sida Koombiitarka oo kale kaas oo bixinaaya laydhadh kala duwan ,qofka sita shandadana aqoon sanaaya farihiisa,kadib marka lagu xidho dhegta uu qofku shandadaasi qabsanaayo.
qalabkan ayaa sidoo kale caawinaaya qalabka dhigiisa ah ee loo yaqaano GPS,kaas oo si fudud usoo qabsan kara looguna soo heli karo ,iyada oo qaybo kamid ah lagu xidhi karo mobile ka ,kaas oo message usoo diraaya mobilekaasi.
shandadahan ayaa leh meelo amaro laga siin karo,sida adoo odhan kara Isoo Raac ama Isug,waxaanay kooxdan dhalinyaradda ahi ku dedaalayaan sidii ay u heli lahaayeen maalgelin ay ku horumariyaan qalabkan.
 

Leave a Reply