Khubarro Reer Japan Ah Oo Soo Saartay Mobile Lagu Ogaan Karo Xanuunka Cancer-ka

0
288

 
khubaro u dhalatay wadanka Japan ayaa soo saaray markii ugu horeysay mobile casri ah oo lagu ogaan karo xanuunka Cancer-ka iyo heerarkiisa,kaas oo dadka u fududaynaaya inay la socdaan xaaladooda caafimaad.
mobile kan ayaa lagu xidhay qalab aad u yar oo si fudud u cadaynaaya unugyada xanuunkaasi ah ee ku jirta jidhka dadka ama qofka,taas oo keenaysa in si fudud loo ogaado xanuunkaasi .
kooxdan Injineerada ah ayaa muddo dheer soo waday samaynta qalabkan,iyaga oo soo maray marxalado kala duwan,waxaanay si toosa uga soo dhex saaraysaa neefta qofka hadii uu xanuunkaasi qabo.
qalabkan ku xidhan Mobile ka ayaa ah mid bixinaaya laydhadh kala duwan,kuwaas oo ka kooban casaan iyo akhtar,haddii uu qofkaasi yahay qof xanuunkaasi qabana waxa uu bixiinayaa calaamada Casaanka,halka uu calaamada Akhtarka ah bixinaayo haddii aanu qofkaasi qabin,waxaana warbixinta qofkaasi oo dhan si fudud looga dhex heli karaa qalabkaasi,iyada oo lagu rakibi karo Koombiitarada.
qaar badan oo xeel dheereyaasha wadamada kala duwan ka mid ah ayaa isku deyey inay sameeyaan qalab kala duwan oo lagu ogaan karo xanuunkan marxaladihiisa,gaar ahaana iyada oo laga ogaanaayo neefta qofka dhexdeeda.
culimadan reer Japan ayaa noqday kuwii ugu horeeyey ee ku guulaysta inay soo saaraan qalabkan,waxaana sidoo kale lagu xidhi karaa mobiles ka Smart Phones ka ah.
qalabkan ayaa suuqyada soo geli doona sannadka 2022 ka kadib marka lagu sameeyo balaadhin iyo casriyeyn,iyaga oo sheegay inuu waqtigan maalgelin lagu kordhiyo u baahan yahay.

Leave a Reply