“Xisbiyada Qaranka Waxaanu Ka Codsanaynaa In Ay Ilaaliyaan Anshaxa Xeerkii Aanu Kala Saxeexanay”

0
306

Burco (Dawan)-Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa maanta ka bilaabmaysa gobolka Togdheer oo loogu horeysiiyay bilowga diwaan-gelinta, sida uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka C/Qaadir Iimaan Warsame oo ku sugan Magaaladda Burco.
“Waxaan leeyahay gobolka Togdheer waa gobol xamaasadeed, waxaanu doonaynaa inaad xamaasadiinii kicisaan, waxaanu doonaynaa inaad is-diwaan-gelisaan, intaad is diwaan-gelisaan iyo inta idiin soo baxda ayaana laydin kula xisaabtami doona tuulo kasta iyo degmo kasta, waxaanu ka codsanaynaa xisbiyada qaranka inay ilaaliyaan anshaxii, habdhaqankii iyo nidaamkii aanu kala saxeexanay, waa inay xisbiyadu ilaaliyaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo shalay ka hadlayay madal ay agabkii iyo hawl-wadeenaddii diwaan-gelinta fulinayay ugu kala ambo-bixinayeen deegaamadda gobolka Tog-dheer.
Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamuud Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay hawl-wadeenada dhalinyarrada ah ee diwaan-gelinta sameynaysa in sidii loogu dhaariyay hawshan fulinteeda ay u qabtaan  waxaanu yidhi  “Waxan idin leeyahay hawshani ummadda ayaa leh, waana shaqo qaran, waxaana loo baahan yahay in la wada qabto hawshan, waanu innaga soo dhammaaday hadal wax-qabad baanaynu diyaar u nahay maanta, waana taa halkaas la taagan yahay oo waa la baxayaa, khayr baa lagu bixi nabad baana lagu bixi doonaa, dhalinyarada shaqada haysa dardaarankoodu waxa weeyi, waar waxaad ku dhaarateen iyo aqoontii aad lahaydeen, wadanka galiya maanta ayaa la idiin baahan yahaye.”
Guddoomiyaha Jaamacada Burco Prof. Saleebaan Dirir Cabdi ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu ardayda ugu baaqay in ay hawshan diwaan-gelinta si wacan u qabtaan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay ardayda dardaarankii aad qabteen  ee ahaa magaca jaamacada, magaca komiishanka doorashooyinka iyo magaca ummada Togdheer, magaca ummada Somaliland idinka oo sharaftoodii iyo muuqaalkoodii huwan, waxaanu idinkula dardaaraynaa barnaamijka diwaan-gelinta codbixiyayaasha ee ay Somaliland hormoodka ka tahay in sidiisa aad u fulisaan.
Masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi qaran oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si isku mida u soo dhaweeyay qaadashada kaadhka diwaangalinta iyo bilawga hawshan, uguna baaqay dadweynuhu inay qaatan kaadhka diwaangalinta codbixiyayaasha.
 
Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa shaqaalaha hawsha diwaangelinta shalay u kala diray goobaha loogu tallo-galay in ay maanta ka bilaabanto diwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka ee  ee gobolka Togdheer. Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa ka socon doonta gobolka Togdheer muddo 28 maalmood ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply