Isbitaal Bukaankii la keenay Guri u noqady

0
271

Isbitaal ku yaala bariga dalka China ee Wuyi Couty   ayaa isu bedelay mid hoy rasmi ah u noqday bukaanka dhan 36 oo halkaasi lagu dawaynaya, Bukaanada la keeno iyo lamaanayaashooda ayaa halkaasi marka danbe ay degaan.
Bukaanadan oo tiradoodu dhantahay 36 beeshina ayaa wakhtigan uu u yahay hoy rasmi ah isla markaana waxa beero looga sameeyay agagaarka isbitaalka kuwaasi oo ay kala soo baxaan raashinkooda.
Isbitaalka waxa dhistay shirkad dawladdu leedahay oo ugu talo gashay shaqaalaheeda, isagoo lagu dawayn jiray xanuunada ku dhaca sambabka (pneumoconiosis) laakiin markii sanadkii 2000 ay hay’adaasi ka dhamaatay hawsheedii deegaankaasi waxa la wareegay isbitaalka dawladda deegaanka taasi oo sii waday hawsha isbitaalka oo bixin jirtay kharashka , laakiin markii ay ka joojisya kharashkii ayaa isbitaalka bukaanadii ku jaray oo 400 ay u wareegeen Isbitaalo kale halka 36 bukaan oo bogsaday ay iyaga iyo xasaskooda u noqday guri rasmi ah oo ay imika si caadi ah u degan yihiin.

Leave a Reply