Khubarada Shiinaha Oo Soo Saaray Qalab Cusub oo Hawada Sare Loo Isticmaali Doono

0
261

Khubaro u dhalatay wadanka Shiinaha ayaa soo saaray markii ugu horeysay qalab cusub oo loogu talo galay in meel fog wax lagaga arko,iyada oo ay adeegsan doonaan dadka cirbixiyeenada ahi.
Qalabkan oo lagu magcaabo Quantum  ayaa marka ugu horeysay ee la isticmaali doonaaba uu noqon doonaa sannadkan cusub ee 2016 ka,kaas oo dhexdiisa uu noqon doono mid si toosa loo iibiyo sidoo kalena.
Qalabkan ayaa lagu rakibi doonaa satellites ka hawada sare u baxaaya sannadkan 2016-ka,kaas oo si toosa isugu xidhi doona  dayax gacmeedyada hawada sare u baxaaya iyo dhulka,iyada oo ay si toosa dadka saarani ula socon karaan dhaq dhaqaaqa dhulka ka socda ,gaar ahaana meelaha dhulka u jira masaafada 1200 kilometer.
Xidhiidhka u dhexeeya magaalooyinka Beijing iyo Vienna ayaa noqon doona mid si toosa laysaga maqlo dayax gacmeedkaasi,gaar ahaana dhinaca is gaadhsiinta.
Wejiga labaad ayaa bilaabmi doona isla sannadkaasi dhexdiisa,iyada oo laga kordhin doono tiradaasi aragtida ama masaafadaasi gaadhaysa ilaa 1200 km,iyada oo in ka badan la filaayo in la gaadhsiiyo.
Waqtigan ayaa la samaynayaa tijaabooyin kala duwan,kuwaas oo lagu tijaabinaayo dhinaca is gaadhsiinta ,iyada oo sidoo kalena dhinaca Signals ka uu soo diraayo la doonaayo in la kordhiyo sidoo kale,kuwaas oo si toosa usoo gaadhaaya dhulka.

Leave a Reply