Xikmadaha Maanta

0
444

Iska jir malaha xun, kana fogow malaha beentaโ€™ah iyo waxa aan jirin ee ay naftu kuugu sheekayso.
Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka wanaagsani waa ka indhihiisa laaba, Allah (sw) ka cabsaday.
Ha cadhoon, hadaad cadhootana aamus oo shaydaanka iska naar meeshana bedal, hadii aad fadhiday istaag hadii aad taagnaydna fadhiiso, wayso qaado oo badi dikriga Allah (sw).
Cidna haka sugin mahadnaq, waxaa kugu filan Abaalka Allah (sw), waxba kaama galin kii ku bakhaylay ama ku xaasiday.ย Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dheganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada.
 
Ka Maydh qalbigaaga xasadka, kana nadiifi cuqdadaย iyo uurxumada.

Leave a Reply