“WADDANI Waxaan Leeyahay Ha Ku Mashquulina KULMIYE Oo Tallaabsaday Ee Xisbigiina Laga Dareerayo Hagaajiya” Bukhaari

0
380

By: Khadar M.Dhako

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari),  oo ka mid ah mudaneyaasha  Golaha Wakiiladda Somaliland,   ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay afhayeenka xisbiga WADDANI  xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa  oo  hore u naqdiyay  safarkii guddoomiyaha xisbiga  KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo  xubno golaha wasiirrada ahi ku tageen gobalada Saaxil,    Togdheer iyo Daad-madheedh.

 Waxaanu  sheegay in xisbiga   WADDANI ay ka qalbi jabeen taageerada uu  xisbiga KULMIYE   haysto, is la markaana uu xisbiga KULMIYE  yahay mid aan la muquunin karin oo aanay u babac dhigi karin xisbiyadda mucaaradku. Xildhibaan Bukhaari  waxa uu sidaasi  shalay isagoo u warramayay wargeyska DAWAN.

“Waxaan maqlayay afhayeenka xisbiga  WADDANI Ibraahim  Mahdi  Buubaa oo ka qaylinayay socdaalkii Guddoomiye  Muuse  Biixi ku tegay gobalka Togdheer  si uu dadka reer Togdheer ugu buraarujiyo qaadashadda   diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota gobalka Togdheer. Waxaan  leeyahay  Soomaalidu waxay  ku maah-mahdaa  Lay-ligu biyaha kashkiisa ku jira ayuu ka didaa, WADDANI  waxa  ay ka qalinayaan oo ay arkeen taageerayaashii xisbiga  KULMIYE  oo muujiyay in ay yihiin cudud aan la maquunin karin taageero buuxdana xisbiga KULMIYE  ka haysto gobalada dalka iyo gobolka  Togdheer,”ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Bukhaari.

 Xildhibaan Bukhaari waxa uu WADDANI u soo jeediyay inuu ku mashquulo sidii uu u kasban lahaa kaadiriinta ka dareeraysa, waxaanu yidhi  “Markaa  waa baqdin iyo didmo gashay  oo awalba ku dareensanaan in taageerayaashoodu xadidan yihiin ama kooban yihiin   xisbiga  WADDANI  taas ayaa ka dhawaajisay. Markaa  xisbiga   WADDANI  waxa aan leeyahay  maalin walba waa laga dareerayaa,  waxaana ay sheegaan wax xisbiga lagu xanto,  markaa waxaan leeyahay   WADDANI  is hagaaji oo ku mashquul hawsha kuu taal ee  KULMIYE  oo tagay oo tallaabsaday ha ku dabo lumin.”

 Xildhibaan  Bukhaari waxa kale oo uu sheegay   in aanay jirin lacag xukuumadu ku bixisay socdaalkii Guddoomiye  Muuse Biixi.  “Hanti lagu bixiyay socdaalkaa  guddoomiyaha   KULMIYE  ku tagay gobalka  Togdheer  ma jirto loomana baahna  xisbigu,  isagaa isku filan oo waxa uu iska ururiyo ayuu ku shaqeeyaa xeer ayuu leeeyahay taageerayaashii soo dhaweeyay weftigii guddoomiyaha KULMIYE ayuun bay la qalbi jabeen WADDANI  waa kuwii   cabaadayay  baqdin ayuun baan u arkaa waxaan leeyahay is-xejiya.”

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in ay isku fikrad yihiin   Mahdi Buubaa iyo adeerkii   Ismaaciil Buubaa,   “Ismaaciil  Buubaa  waa oday weyn  oo  siyaasiya oo reer Somaliland ah, warkiisana waa laga dheragsan yahay,  waxaana uu iskugu keen sheegay in uu siyaasada ka baxay  oo uu Hargeysa iska joogayo, waxaan se is leeyahay markaan  arkay hadalkii   Ibraahim   Buubaa wax  kaga sheegayay  Cawil  waxa aan u qaatay in uu Ismaaciil nastay,  markii uu  ogaaday mid yar oo galaalan oo xaafada ah oo fikirkiisii qaadi kara in uu dhashay oo uu ku hubsaday in uu hawshaa qaadi karo ayuun buu nastay,  waxaanan leeyahay wax nasiya ayuu helay,”ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

Leave a Reply