Sarifka Doolar-ka Oo Shalay Gaadhay Halkii Ugu Hooseysay Iyo Ganacsatadda Suuqa Waaheen oo Soo Dhaweeyay

0
421

Hargeysa(Dawan):- Qiimaha sarifka lacagta Doolar-ka ayaa shalay gaadhay halkii ugu hooseysay intii sanado ah, ka dib markii Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay Khamiistii doraad daboolka ka qaaday inay go’aansatay inaanu dhaafin sarifka halka doolar (6000) lix kun oo shilin.
Waxa shalay lagu kala sarifanayay halka doolar, lix kun oo shilin suuqyadda Magaaladda  Hargeysa, halka uu Maalmihii la soo dhaafay sii cago-cagaynayay 8000 Sl sh ah. Waxa kale  oo  Ganacsatadu shalay-ba ay bilaabeen inay macaamiishooda qiimaha badeecadaha kala duwan ugu sheegaan shilinka Somaliland, halkii ay markii hore wax walba ku qiimayn jireen doolar.
Go’aanka madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dadweynuhu uga dareen celiyeen si togan, waxaanay sheegeen inay u riyaaqeen balse loo baahan yahay in la joogteeyo oo ay noqoto siyaasad qaran oo sii jirta waligeed.
Geesta kalena, Ganacsatada ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa soo dhaweeyay kor u kaca shilinka Somaliland iyo sidoo kalena  hoos u dhac ku yimid   lacagta doolarka, iyadoo suuqyadda lacagaha la sheegay in uu hoos u dhacay safarika doollarku. Guddoomiyaha suuqa WAAHEEN   ee magaalada Hargeysa C/fataax Maxamed Muxumed,  oo shalay la hadlay warbaahinta qaranka waxa uu sheegay in uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku   hambalyeynayo sida ay wax uga qabatay sixir-bararka.
“Waxaanu ku hambalyeynaynaa xukuumadda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,  wax-qabadka muga iyo miisaanka leh ee ay waddanka ka qabatay waxa aanu ku  hambalyeynaynaa madaxweynaha sixirka doolarka iyo maceeshadda uu hoos u dhigay,  taas oo suuqyada dalka doolarkii hoos u dhacay aad  baan ugu amaanaynaa madaxweynaha. Waxa  kale oo madaxweynaha ku hambalyaynayaa khudbad sannadeedkii uu ka jeediyay golaha baarlamaanka oo ahayd mid meel walba taabanaysa  waxaana aanu garab istaagaynaa waxqabadka xukuumadda dalkuna waxa uu marayaa meel aad u fuiican,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Suuqa Waaheen. Mr. Cabdifataax   waxa uu u soo jeediyay hogaamiyeyaasha qaarada Afrika inay ku deydaan madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Waa madaxweyne aan  odhan karo waa in qaaradda Afrika oo dhami ku dayato ayaa mudan waayo waa  madaxweynaha mar qudha u tartamay xukunka dalka inuu isku soo taago ee yidhi waxa aan u baneeyay umaddadayda.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply