Baanka Adduunka Oo Somaliland Ka Caawinaya Mashaariic Lagu Horumarinayo Biyaha iyo Degaanka

0
389

Hargaysa (Dawan): Masuuliyiin iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha  wasaaradaha degaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo wasaaradda  biyaha ee Somaliland ayaa socdaal shaqo oo la xidhiidha  hawlo tababar  ugu baxay dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay.
 
Masuuliyiintaasi oo uu hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Maxamed Cilmi  Xuseen,  oo ka hor intii aanay ka dhoofin madaarka diyaaradaha magaaladda Hargaysa ayaa faahfahin ka bixiyay u jeedadda socdaalkooda ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee wehelinayaaba ay tababar shaqo ugu baxayaan dalka Ethiopia.
Tababarkaasi oo ku saabsan mashruuca dhinaca biyaha iyo degaanka oo uu maalgelinayo abaanka aduunku, kaasi oo uu sheegay in maamulkiisa lagu soo wareejiyay xukuumadda Somaliland.
Agaasimaha guud oo arrimahaas ka hadlayayna waxa  uu yidhi  “Wasaaradda degaanka iyo horumarinta  reer miyiga iyo wasaaradda biyaha waxay tababar  ugu baxayaan dalka Itoobiya, kaasi oo ku saabsan mashruuca World Bank.  Mashruucaasi oo runtii fursad weyn u ah Somaliland, waana mashruucii  ugu horeeyay oo ay Somaliland gacanteedda ku maamulan doonto, iyadoo wasaaradda maaliyada iyo wasaaradda degaanku ay iska kaashan doonaan maamulkeedda,  mashruucaasi oo u jeedadiisu tahay dhibaatadda biyaha inaga haysata,  mashruucaasi oo dadka xoolo dhaqatadda ah iyo dadka beeralayda ah labadaba anfacaya.”
Wuxuu sheegay agaasimaha guud in mashaariicdaasi ay ay ugu waaweyn yihiin afar Bali oo waaweyn oo laga fulin doono goboladda Maroodijeex iyo Togdheer.  “Mashaariicdaasi oo ay ugu waaweyn  yihiin afar Dhaam ama Bali oo laga fulin doono goboladda Togdheer iyo Maroodijeex.
 
Mashruucaas  oo tijaabo ah,  muhiimadda kale ee u weyni waxay tahay aaminaadda u weyn ee Somaliland la aamini doono,  oo la aaminay in ay iyagu hawsha maamuli doonaan, oo ay wax qabsan karaan” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply