Mudane Guurtida Ka Tirsan Oo Xukuumadda Ku Ammaanay Hoos u Dhaca Qiimaha Doollarka

0
350

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa soo dhaweeyay go’aankii xukuumaddu hoos ugu dhigtay sarifka qiimaha doolarka, isla markaana sare loogu qaaday qiimaha lacagta Somalialnd.
Mudane Maxamed Wali Warsame oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in  shilinka Somaliland uu noqday mid midho dhala maadaama oo uu hoos u dhac ku yimi lacagtii doolarka.  “lacagtii Somaliland waxa ay noqonaysaa mid  midho dhala oo lagu shaqeeyo dawlad iyo lacagteeduba waa in ay wada shaqeeyaan, dawladuna taas ayay ka shaqaynaysaa, ganacsatadana loo yeedhay ee xukuumaddu la shiraysay tallada xukuumadda ayay ku shaqaynayaan, waanay qaadanayaan ganacsatadu,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed-Weli.
 
Xildhibaan Maxamed Weli waxa kale oo uu intaa kuk daray “Wax dawladnimada ka weynina ma jiro, waxa xukuumaddu go’aamiso ayaana la qaadanayaa, intii rabtay in ay dawlad-nimadda waxyeesho ayaa khalad wada,  mar haddii doolarkii hoos u dhacay raashinkuna hoos ayuu u dhacayaa, haddii raashinku jabi waayo muwaadiniin ku shaqaynaya awaamiirta dawladda ayaa raashinka keenaya.”
“Haddii ay ku shaqayn waayaan go’aamada xukuumadda, waxaa raashinka keeni doona kuwo aan dadka cunayn oo muwaadina oo dadka u tudhaya, markaa muwaadinnimadii ayaa soo noqonaysa,  ganacsatada waxa aan u soo jeedinayaa in ay go’aanka dawladda qataan, haddii ay go’aamada qaadan waayaan uma malaynayo in laga yeelayo,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali.
 
 
Dhalinyarro Xisbiga WADDANI Soo Abaabulay Oo Sheegay Inay Kalsoonidii Kala Noqdeen Xildhibaan Bukhaari
Hargeysa(Dawan)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa dhalinyarro ku soo abaabulay Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo sheegay inay xildhibaankooda kala noqdeen kalsoonidii beeshiisa.
Dhalinyaradan oo la sheegay inay gacan saar la leeyihiin xisbiga WADDANI, waxa la soo weriyay inay ku haystaan xildhibaankan muxaafidka ah sababta uu ula safan waayay Guddoomiye Cirro oo ay isku jufo yihiin, taasina waxay ka hor imanaysaa dhaqanka dimuqraadiga ah ee dalka ka jira.
Qoraal ay ku saxeexan yihiin saddex  nin oo dhalinyaro ah oo sheegtay inay yihiin Hoggaanka dhalinyarrada beesha Sacad Yoonis, ayaa saxaafada ku baahiyay inay kalsoonidii kala  noqdeen Xildhibaan Saleebaan Bukhaari.
Saddexdan qof ee qoraalka soo saaray waxay magacyadoodu kala ahaayeen   Yuusuf Saalax Cawad,Maxamed Muuse Cabdi iyo Qaasim Siciid Cilmi, waxaanu qoraalkoodu  u dhignaa sidan: “Markaanu aragnay in deegaankii laga soo doortay ilaa sanadihii u dhaxeeyay 2005—2016 waxqabad kaalin gal ah ka qaban haba yaraatee hagar daamo mooyee.
Markaanu aragnay in aanu dhalinyarad beesha aanu waxba u qaban haday noqoto xaq shaqo abuur iyo xag taageero wax barasho midna aan laga haynin.Markaanu aragnay in dhalinyarada beesha sacad-yoonis ka dhex wado qoqob iyo qabyaalad aan meel gaadhsiisnay oo hore somaliland uga gudubtay.
Markaanu aragnay in sumcada beesha ee uu huwan yahay in uu ku tuntay oo maalin walba cid dano gaar ah  leh ay ku adeegato.Waxay dhalinyarada beesha Sacad-yoonis iyagoo wada jira Kalsoonidii ay kala laabteen xildhibaan Saleeban Cawad Cali maanta laga bilaabo aanu matali doonin beesha SACAD-YOONIS.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply