Wasiirro Gurmad Biyo Ah Gaadhsiiyay Faro-weyne, Dhaboolaq Iyo Dawga Cad

0
543

Hargeysa (Dawan)- Wasiirrada wasaaradaha maaliyadda iyo xanaanda xoolaha Somaliland Samsam Cabdi Aadan iyo Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa shalay gaadhsiiyay deeq biyo ah dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmadda Faro-weyne iyo deegaannada hoos yimaada Dhaboolaq iyo Dawga-cad.
Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa faahfaahin ka bixisay gurmadka iyo deeqda ay gaadhsiiyeen bulshadan tabaalaysan, waxaanay sheegtay in xukuumad ahaan aanay waxba ka hagran doonin, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Abaar xun ayaa innagu dhacday, ILLAAHAY ayaan ka beryaynaa in uu innaga dul-qaado xukuumad ahaan waxa aanu ku tallo galnay meeshii abaari ka jirto ee qeylo ka yeedho ee dadku ku tabaalaysan yihiin wixii aanu u qaban karno in aanu u qabano waxba idinka lama hadhi doono.”
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaa ku dartay, “Waxaa jirta abaar baahsan, xaaladduna way adag tahay, markaa sidii loo badbaadin  lahaa xoolaha waxaana jecel nahay in odayaashu isku  tagaan, oo ay diyaar-garoobaan raashin ayaa la diin keeni doonaa.”
Wasiirka wasaarada xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed ayaa isaguna waxa uu tilmaamay inay daweeyeen xoolaha ay abaartu saamaysay, waxaanu   yidhi “Muddo laba bilooda waxa aanu ku jirnay daweynta xoolaha aniga iyo wasiirka maaliyadu waxa aanu raadinaynay in aanu helno wax aanu ku badbaadino xoolaha hadday caws tahay iyo hadday biyo tahayba. Lo’du haddii ay  biyo dhanaan cabto way le’anaysaa biyaha dhanaani uma fiicna.”
Dhinaca kale dawdweynaha ku dhaqan deegaanaddan ay abaaruhu saameeyeen ee la gaadhsiiyay gurmadka biyo dhaamiska ah ayaa u mahad naqay xukuumada Somaliland iyo wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ee gaadhsiiyay gurmadka biyaha ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply