“Cali Khaliif Iyo Ciddii Uu Wato Waynu Iska Celin, Laakiin Dadweynuhu Waa Dadkeenni ”Gudoomiyaha Guurtida

0
292

Hargaysa (Dawan)_Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane  Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa   ka hadley xaaladda colaadeed ee uu Dagaal-ooge  Cali Khaliif  Galeydh ka wado goballada bariga Jamhuuriyadda Somaliland
Guddoomiye Saleebaan  waxaa uu sheegay in Cali Khaliif  iyo ciddii la socotaba la iska celin balse bulshada deegaankaasi   ay yihiin dadkeennii.
“Cali Khaliif iyo cidduu wato waynu iska celin, lakiin dadweynuhu waa dadkeennii,”ayuu yidhi Guddoomiyaha aqalka odayaasha oo shalay la hadlay warbaahintu.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu  ku baaqay in la jabiyo qiimaha maceeshadda daruuriga ah, waxaanu yidhi  “ Ganacsato iyo dawlad-ba waa in aynu isku tagnaa sidii loo jabin lahaa Maceeshada iyo sicir bararka bulshada Sameeyey , waa in uu jabaa Madaama doolarkii hoos u dhac ku yimid.”
Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay  Ganacsatada  in ay bulshadooda u tudhaan oo arrintan layskaga yimaado Dawlad iyo Ganacsataba,   si xal waara loogu helo aafada Sicir bararka.
Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Bulshada ugu baaqay inay garab istaagan guddida Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland u xil saaray inay u gurmadaan dadka ay abaaruhu Saameeyeen.  “ Gurmadkii waa bilaabmay  oo guddi dhan oo Wasiirro ah ayaa madax looga dhigay way giriiftamayaane in gacan la siiyo weeyaan oo aynu la dedaalno.”
Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaaya xili ay abaaro baahsan ku dhufteen qaar ka mida goballada iyo Degmooyinka dalka, gaar ahaan gobollada galbeedka Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply