Xabaal Cusub Oo Gacan Ku Dhiigle Tuke Ku Xasuuqay 9 Qof Oo Rayid Ahaa Oo Laga Helay Arabsiyo

0
661

Arabsiyo (Dawan):- Xabaal wadareed lagu aasay 9 qof oo rayid ah sannadkii 1984-kii oo dawladdii Siyaad Barre ku xasuuqday degmadda Arabsiyo ee gobolka Gabiley, ayaa  la soo saaray shalay.
Waxa xabaal wadareedan la soo saaray goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha Guddida baadhista xasuuqa  Jamhuuriyadda Somaliland,  Khadar Axmed Like, Guddoomiyaha degmada Arabsiyo iyo  qaraabadii dadkii halkaas lagu laayay.
“Waxaanu doonaynaa haddii ILAAHAY  yidhaahdo soo saarno  xabaal wadareedan  ku taalla magaalada Arabsiyo, xabaashan oo ah kuwii loo aanaynayay ee  uu geystay taliskii Maxamad Siyaad Barre  ee joogi jirey gobolka Gabilay, oo imika dacwadeedii taagan tahay ninka la yidhaahdo Yuusuf Cabdi Cali (Tuke),  waxaanu  doonaynaa in imika la soo saaro oo markhaati looga dhigo lafihii uu isagu meesha ku duugaay,’’ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida baadhista xasuuqa Khadar Axmed Like, oo warbaahinta kula hadlay xabaashaas dusheeda.
Gudoomiyaha degmada Arabsiyo  Mr.  Cabdilaahi Cabdi Faarax  oo isaguna madashaas ka hadlay  ayaa ka  warbixiyay dadkan ku aasan xabaal wadareedkan waxaanu yidhi “Dadkan waxa xasuuqay taliskii dhiigyo-cabka ahaa ee Soomaaliya,dadkaasina waxaa ay ahaayeen dad aan dambi galin oo maato ah oo reer miyi ahaa,waxaanay ku wada jiraan goob qudha waxaana goobtan oo kaliya lagu aasay  9 qof. 7 gelinkii hore ayaa lagu toogtay meesha iyaga oo aan dambi galin. labana galinkii dambe ayaa lagu xidhay, iyaga oo ka laalada tiirarkii lagu xidhay maydkoodii ayaa gelinkii dambe saddex qof lagu soo dul xidhay, oo iyaguna shiciba, hal qof waala sii daayay oo xadhiga laga jarey sidaasaanu ku waashay , labadii kalana halkii ayaa lagu toogtay, maantana waxaa halkan goob joog inagala ah eheliyadii dadkaa.’’
Dad ku hadlayay magaca eheladii dadkii xabaashan lagu aasay oo iyaguna madashaas ka hadlay ayaa sheegay in sabab la’aan lagu xasuuqay dadkan oo ahaa kuwo rayid ah oo aan hubaysnayn isla markaana wax dagaal ah oo ay ku jireen aanay jirin.
 
 
 
 
 
 
“Wax-garadka Buuhoodle Way Ku  Dedaalayaan  Si  Fidmo-walaha Cali Khaliif Uu Uga Baxo Gobolka Iyo Somaliland-ba”
“Cisbitaalkii Buuhoode Dib Ayaanu u Furaynaa, Dhakhaatiirtana Waanu u Dhamaystiraynaa” Xaglatoosiye
By: Khadar Cabdi Muuse
Buuhoodle (Dawan): Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland  Dr.  Saleebaan Ciise Axmed  (Xaglo-Toosiye),  oo weli ku gudo jira socdaalkiisii hawleed ee uu ku joogay Magaalada Buuhoodle ayaa ka warbixiyey halka ay u marayaan hawluhu.
Dr. Xaglo toosiye, oo shalay warbaahinta la hadlay  ayaa  ugu horayn waxa uu tafaasiil ka bixiyay   hawlaha  nabadgeliyadda  waxanu yidhi “Hawlihii nabadgelyo ee aan halkan u joogay meel wacan ayay marayaan, dadkiina si wacan ayay  hawshaa uga  shaqaynayaan,  haddii ay tahay sidii nabadgelyada loo adkayn lahaa iyo haddii ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen shaqsiyaadka Soomaaliya ka yimid,  ee doonaya inay halkan colaad ka huriyaan,  oo nabadgelyadda degaanka qasaan, markaa dadku aad bay uga shaqaynayaan arrintaa, dhakhso inay natiijo u yeelatana waan  rejaynaynaa’. ’
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay natiijada waan-waantii nabadeed ee ku aadanayd in ay hab nabadgelyo kaga baxaan Magaaladda Buuhoodle  Nabad diidka  Cali Khaliif iyo xubno la socday  oo ka tirsan Baarlamaanka dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo iyagu muddooyinkii u dambeeyey xaalad colaadeed iyo farogelin qaawan oo cadaawadi ku dheehan tahay ka waday deegaamo ka tirsan Gobolka  Buuhoodle.
Wasiirka oo arrintaa ka hadlayayna waxa  uu yidhi  “Odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle aad iyo aad bay u dadaalayaan meel wacan bay u maraysaa, sidii ninkaa fidmowalaha ah (Cali Khaliif) loogu tirtirsiin lahaa inuu ka baxo Gobolkaa iyo guud ahaanba Somaliland  dhakhso inay wax ka gaadhaan baan rajaynayaa.”  Sidoo  kale wasiirka caafimaadku  waxa uu  ka hadlay  mawqifka dawlada Somaliland ee ku aaddan nabadgelyada Buuhoodle  “Somaliland waxa ka go’an in degaanka Buuhoodle aan wax colaad ah oo dambe ka dhicin.  Somaliland waxa ka go’an in cidda  doonaysa inay   degaamadan   dagaal ka huriso aan laga ogolaan, anaga iyo odayaashuna   wadashaqayn ayaa naga dhaxaysa, degaankanina muddo ayuu colaad iyo mugdi ku jiray, markaa Somaliland waxay Go’aansatay in dhibaatadaasi aanay dib u soo cusboonaan, lagana ilaaliyo oo laga hortago shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee taa doonaya,”ayuu yidhi Dr. Xaglotoosiye.
 
Wasiirku    waxa uu baaq la xidhiidha dhinaca nabadgeliyada   u diray dadweynaha degaanka Buuhoodle  “Dadweynaha Reer Buuhoodle waa bulsho colaado ka soo daalay, waxaan u soo jeedinayaa in aanay u ogolaan  in shaqsi dan gaar ah wata aanu colaad iyo dhib u soo jiidin.  Waxaanan  kula talinayaa inay nabad iyo horumar ku fekeraan oo hadafkooda ka dhigtaan, kulligoodna ka wada shaqaeeyaan inay nabadooda ilaashadaan’’ayuu yidhi Wasiirku.
Dhanka kale   Wasiirka caafimaadku waxa uu ka hadlay  dib u habayn lagu samaynayo  cusbitaalka guud ee Magaalada Buuhoodle oo muddo dheer  aan shaqaynin,  waxaanu  yidhi  “Cisbitaalka waxa aanu ka wadnaa dib u habayn, waxa aanu diyaarinaynaa wasaarad ahaan in Cisbitaalka guud ee Buuhoodle dib loo furo oo dhakhaatiirtii iyo adeegyadii caafimaad loo dhammaystiro, waanan  ku gudo jirnaa hawshaa.  Insha  ALLAAH   waxaan rejaynaynaa in wakhti yar oo gaaban Cusbitaalkaa lagu shaqo geliyo, dadkuna ay ka maarmaan adeegyada caafimaad ee y safarada dhaadheer u gelayaan, Dhakhaatiirtii iyo qalabkiina waa diyaar, markaa cisbitaalkaa waxa aan rajaynayaa in uu dhowaan furmo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply